Soonku waxa uu inaga Caawiyaa daaweynta cudurro tiro badan: Diyaariye: Kamaal Axmed Cali

0
553

soonkaSooma aad caafimaaddaan ee” waa hal ku dheg ay ka siman yihiin inta badan diimaha kala duwan ee dunida maanta, waxaa iyaguna u markhaati fura dhammaan daraasooyinka casriga ah ee lagu sameeyey faa’idooyinka uu soonku u leeyahay caafimaadka qofka. Iyo sida yaabka leh ee uu uga hortago ama u daaweeyo cudurro kala duwan.

Daaweynta nafsiga ah:

Dr. Waa’il Safwat oo ah oo ku xeel dheer cudurrada ku dhaca uur ku jirta, hab-dhiska dheefshiidka iyo beerka ayaa sheegay in soonku uu ka mid yahay hababka ugu muhiimsan ee lagu daweeyo xanuunnada nafsiga ah, oo ay ka mid yihiin, sakatiga, walbahaarka, murugada, isku buuqa, diiqadda iyo warwarka. Qofka hor alle u sooma, qofka Qur’aan akhriska badan, qofka habeenkii salaadda iyo cibaadada u kaca iyo qofka badsada ducadu dhammaantood waxa ay ka raystaan xanuunnada nafsiga ah ee aynu kor ku soo xusnay, waxa aanu dareemaa nasasho iyo raaxo nafsi ah, xasilooni iyo farxad. Waxaa ka yaraada cadhada iyo boodada.

Soonku waxa kale oo uu daawo u yahay xanuuno ay ka mid yihiin Eczema (Finan maqaarka ka soo baxa), cambaarta (Gaar ahaan ta madaxa ku dhacda ee timaha daadisa), kelyo xanuunka, dhiig karka iyo wadne xanuunka, sidaa awgeed inta badan ee dhakhaatiirtu waxa ay bukaanka kula taliyaan in muddada ay daawadu u socoto ay iska yareeyaan cuntada iyo cabbitaanka iyo in ay cadhada iska jiraan.

Xanuunnadda caloosha ku dhaca iyo soonka:

Sababaha keena cilladaha caloosha waxaa ka mid ah maaddooyinka lagu magacaabo Albumin iyo Starch oo cuntooyinka qaar ku jira, marka ay caloosha ku khamiiraanna keena cillado badan, waxa kale oo calool xanuunka keena, cuntada iyo cabbitaanka oo aan si nidaamsan loo qaadan, waxaas oo dhanna waxaa si sahlan loogu dabiibi karaa soonka oo nidaamiya cuntada iyo waqtiyadeeda iyo in cuntooyinka dhexdooda aan biyo la cabbin. Sidoo kale cuntooyinka tallaagada lagu qaboojiyo, iyo sigaarkuba waxa ay ka mid yihiin sababaha calool xanuunka keena.

Soonku waxa uu qofka ka ilaaliyaa dheefshiidka oo shaqadu ku cuslaato, iyo xanuunnada kala duwan ee caloosha, waxa uu beerka ka caawiyaa in uu ka takhaluso dufanka dheeraadka ah,taas oo keenta in jidhka uu ka ilaaliyo buurnida iyo in dufanka Kalastaroolku ay ku badato dhiigga. Arrimahaas oo dhamina waxa ay dhakhaatiirtu ka aaminsan yihiin in ay ka hortag fiican u yihiin xanuunnada wadnaha ku dhaca iyo halbawlayaasha dhiigga oo uu qallaf ku yimaaddo (Adkaada), soonku waxa uu caloosha ka nadiifiyaa qashinka iyo hadhaaga cuntada.

Sababaha ugu badan ee cudurrada keena:

Sababaha ugu badan ee cudurrada keena waxaa ka mid ah, dhiig karka, cadhada badan, buurnida, cuntada iyo cabbitaanka oo lagu talax tago, gaar ahaan cuntada uu dufanku ku badan yahay.