Cali-Gurey Oo Ku Dhawaaqay Inuu Iska Casilay Xilkii Uu Ka Hayay Xisbiga UDUB, Kana Hadlay Ku Biiritaanka UCID Ee Jamaal Cali Xuseen Iyo Labada Garab Ee Kale

1
578

 

“Waxaan Halkan  Ka Cadaynayaa Inaan Iska Casilay Gabi Ahaanba Xilkii Aan U Hayay Xisbiga Udub Oo Ahaa Afhayeenka, Sababtana Waad Iska Garan Kartaan Ayaan U Malaynayaa”

 

calugHargaysa( Geeska )- Afhayeenka xisbiga Udub Cali Maxamed Yuusuf ( Cali Guray ) , ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xisbiga Udub xilkii uu ka hayay, kadib markii maaro loo waayay khilaafka la soo darsay xisbigaas.

Cali Guray waxa uu ku tilmaamay xisbiga Udub inuu bilaabmay wakhtigii uu kala tashan lahaa, isla markaasna khamiista maanta ay qaybtii ugu horaysay ee xisbigaas ka tashataa ay ku biirayso xisbiga Ucid. Waxa kale oo uu Cali Guray Daboolka ka qaaday inuu I nbadan ka hawlgalay sidii uu isugu keeni lahaa hoggaanka xisbiga Ucid iyo Jamaal Cali Xuseen oo uu ku tilmaamay shaqsi uu xisbiga Udub ka gardarnaa.

Sidan waxa uu ku sheegay Muj.Cali Guray mar uu si gaar ah shalay ugu waramay wargaysa Geeska Afrika, waxanu ugu danbayntii sheegay inaanu wali go’aan ku gaadhin meel uu ku biiro, balse in ayaamo ah uu cagta u dhigi doono inuu ka fiirsado dhinacii uu uga dhaqaaqi lahaa xisbiga Udub ee uu hadda iska casilay afhayeennimadiisa. Waxanu hadalkiisa ku bilaabay Cali Guray sidan “Waxaan halkan  ka cadaynayaa inaan iska casilay gabi ahaanba xilkii aan u hayay xisbiga Udub oo ahaa afhayeenka, sababtana waad iska garan kartaan ayaan u malaynayaa oo in muddo ahba waxaan anigu ku hawlanaa bal sidii dhinacyada kala fog ee Udub aan isugu keeni lahaa, dedaalkaas oo dhan waxa uu noqday hal bacaad lagu lisay, waxaana bilaabmay in Udub  kala tashato oo laga bilaabo baritoole  [maanta] dafcadii ugu horaysay oo uu hogaaminayo Jamaal Cali Xuseen aan filaayo in xisbiga Ucid ay ku biiri doonaan.” Ayaa uu yidhi, waanu sii watay hadalkiisa oo waxa uu yidhi “Ku biiritaankaas waxa uu meesha ka saarayaa khilaafka intii ku saabsanayd Jamaal Cali Xuseen iyo musharaxnimadiisa, waxa lay sheegayaa in qoladii isaga la socon jirtay ay wadwadaan inay dadka yidhaahdaan Jamaal yaan Ucid loo raacin, laakiin anigu waxaan leeyahay Jamaal waa laga gardarnaa, go’aankan uu qaatayna waa mid isaga ka yimid, aniguna in muddo ahba waxaan ku da’daalayay in dhibaatadiisa xal loo helo oo hadii Udub lagu xumeeyay aanay ahayn halka qudhaata ee fursadaas musharaxnimada uu ka helaayo, waxaanan mudaba waday inaan isku keeno isaga iyo Faysal Cali Waraabe iyo xisbiga Ucid guud ahaan, oo isaga laftigiisu u baahnaa in la badbaadiyo jiritaankiisa xisbinimo, alle ayaa mahadlah ee taasina waa ay suurto gashay.”

Ugu danbayntii waxa uu Muj.Cali Guray sheegay in aanu wali go’aan ku gaadhin dhinaca uu uga dhaqaaqi doono xisbiga Udub ee uu iska casilay “Aniga go’aankayga shaqsiga ah runtii wali maan qaadan halkii aan uga dhaqaaqi lahaa xaaladan Udub, laakiin rag badan oo mudakar ah, oo ixtiraam leh, oo aan wax wada lahayn ayaa aad iigu adkeeyay inaan talo danbe isugu noqono oo aanan ka bixin xisbiga Udub, waxaanan ogahay in aanay wax xal ah ragaasu soo heli doonin, oo maanta Udub fursadii lagu badbaadin lahaa way tagtay, hase ahaatee nin weynbaan ahay oo dagdagi maayo ee bal ayaamo waan u kaadinayaa.”

Is casilaada afhayeenkii xisbiga Udub ayaa kamid ah guul darooyin siyaasadeed oo soo wajahaayay xisbigaas tan iyo intii lagaga guulaystay doorashadii madaxtooyada ee ina soo dhaaftay, waxaanu ilaa hadda xisbigaasi u qabsanyahay laba garab oo is dhinac fadhiya iyo xubno iyagu iskood uga baxay markii ay u maaro waayeen khilaafka xisbiga kala irdheeyay.

Comments are closed.