Madaxweyne Siilaanyo Oo Qoraal Uu U Diray David Cameron Ku Sheegay In Xukuumadiisu Ka Qayb Qaadatay Hoos U Dhigga Halistii Amni Ee Ciyaarihii Olambiga

0
692

 

silanayoHargeysa (Geeska)- Madaxweynaha Somaliland, Mr. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), ayaa sheegay in xilligii ciyaaraha Olmpic-gu socdeen xukuumadiisu taageero ka geysatay hoos u dhigidda halistii amaan ee ku aadanayd xafladaa iyagoo la kaashanaya hay’adaha amaanka Ingiriiska.

 

Maxadweynaha Somaliland, Axmed Siilanyo, oo dhambaal qoraal ah shalay u diray raysal wasaaraha Ingiriiska, David Cameron, ayaa lagu bilaabay, “Annigoo ku hadlaya magaca xukuumada iyo shacabka Somaliland, waxaan jecelahay inaan idiinku hanbalyeeyo adiga iyo xukuumadaada guushii ay ku dhamaadeen ciyaarahii Olmpic-ga, oo ku socday qaab niyad ciyaareed iyo xasilooni.

Waan ku faraxsanahay inaan aragno sida walaaltinimada iyo xirfada ciyaareed ee qeybahii kala duwana ee ciyaarahaasi u dhaceen, isla markaana loo aasay halistii weeraro argagxiso inay saameeyaan jawigaa farxadeed ee ciyaaraha. Waan ku faraxsanahay inaan tilmaamo sida xukuumadaydu qeyb uga qaadatay yareynta halistii amaan ee ku aadanayd xafladaa iyagoo la kaashanaya hay’adaha amaanka ee Ingiriiska.

Guusha ku deyashada mudan ee Mo Farah, oo ka soo jeeda Somaliland, una doortay Ingiriiska dalkii korsaday, ku hantiyey biladaha dahabka ee orodada 5,000 iyo 10,000, waxa looga dabaaldegay guud ahaan Somaliland. Dareenka guushiisa ay ku keentay guud ahaan shacabka labada wadan waxay cadeynaysaa xidhiidhka taariikhiga isku xidhan ee aynu wadaagno. Biladaha uu ku guulaystay Farah waxay ka dhigeen geesiyaal labadeena dal, waana sababta labadeenuba ugu diirsanay.

Waan uga mahadcelinayaa Boqortooyada Ingiriiska inay u sahlaan mid ka mid ah inamadayada habkuu guulo ku gaadhi lahaa, taasoo weliba sare u qaaday meqaamkii Somaliland, oo beesha caalamka dhexdhigtay. Waxaan rajeynayaa in xiisaha aduunka ee guulaha Mo Farah dhabaha u xaadhi doono in lagu baraarugo guulaha nabadeynta iyo dimoqraadiyada ka socota dalkuu ka soo jeedo ee Somaliland.” Ayaa lagu soo gebagebeeyey dhambaalka Madaxweyne Siilanyo ku socodsiiyey raysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameron.