Kooxaha Baby Shop Iyo Xawaadle Oo Ku Kala Guulaystay Koobabkii Ramadaanta

0
791

 

Picture1Waxaa shalay ciyaar qurux badan oo ahayd kulankii ugu danbeeyay ee Tartankii bisha Ramadan garoonka Xawaadle fooda isku daray labada kooxood ee ku kala ciyaarayey Xawaadle Vs Shubayaasha.

 

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u fara badan oo aad ugu xidhnaa garoonka ayaa labada kooxoodba soo bandhigeen ciyaar qurux badan oo guud ahaan dadkii daawanayey ay la dhaceen habka quruxda badan ee ay labada kooxood la soo shir tageen kulankan oo ah mid kooxdii guuleysataa ay kor u qaadi doonto koobkii bisha Ramadan ee garoonka Xawaadle

Labadii qaybood ee ciyaarta loogu talo galay labada kooxoodba waxa ay isla dhaafi waayeen barbar dhac 0-0 ah inkastoo labada kooxoodba ay iska khasaariyeen fursado badan oo goolal ku dhalan lahaayeen, waxaana sida caadada ah labada kooxoodba loo dhigay gool ku laad ama Rikoodhe [Penalts] maadaama wakhtigii caadiga ahaa ee ciyaarta lagu kala bixi waayey.

Rikoodhayaasha qudhooda ayaa labada kooxood ay isla rafteen shantii laag ee koox kasta loogu talo galay mid kastaa si fiican ayuu shabaqa u ruxay waxaana ay noqotay inay barbardhac noqdaan.

Hadana waxaa loo sii waday gool ku laadkii oo aakhirkii kooxdii ku ciyaaray magaca garoonka Xawaadle ee Xawaadle ayaa ay guushu ku raacday 7-gool halka kooxda kale ee iyaguna ku ciyaarayey magaca Shubayaasha ay la yimaadeen 6-gool.

Waxaana sannadkan noqday kooxda horyaalka ee garoonka Xawaadle ee bisha Ramadan kooxda Xawaadle.