Garaad La Socday Xaglatoosiye Oo Ka Hadlay Halka Ay Wada Hadaladu Marayaan Iyo Xaalada Raggii Deegaankooda Lagu Afduubay

1
622

 

burcoHargaysa( Geeska)-Garaad Maxamed Garaad Saleebaan oo kamid ahaa waftigii Saleebaan Xaglatoosiye ee dhawaan heshiiska nabadeed la gaadhay xukuumadda, ayaa sheegay in odayaasha raggii afduubay afarta qof ee ka soo jeeda deeganada bariga Burco ay ku jiraan xal u raadinteeda, isla markaasna ay filayaan in sida ugu dhaqsaha badan loo soo daayo raggaas.

 

Garaadku waxa uu sheegay in hanaankii  nabadeed la sii wadaayo, wada hadalada labada dhinacna ay furmi doonaan bishan ramadaan marka ay dhamaato. Waxanu arimahan kaga hadlay Garaad Maxamed Garaad Saleebaan waraysi kooban oo uu xalay wargaysaka Geeska Afrika la yeeshay  isaga oo ku sugan dagmada Buuhoodle.

Waxaanan ugu horayn waydiinay garaadka afarta nin ee la afduubay inay wax dadaal ah ka galeen soo dayntooda waxaanu ku jawaabay “ Imika arintaas qoladii odayaashooda ahayd ayaa gacanta ku haysa, markaas waa ay iska dhaw dhawdahay. Waad garankartaa mar haddii meesha aanay dawlad joogin in shacabka waxiisu inuu iska dhib badan yahay, markaas insha allaah way hagaagaysaa, dadkuna nabada waa ay rabaan qof qof xunina waa uu iska jiraa, arintaasuna waa ay dhamaanaysaa, waayo qof aan wax lagu haystaa jirin, arintiisu inay sika dhamaanayso waad garan kartaa.”

Garaadka oo aan wadiinay halka hanaankii nabadeed ee ay qaateen uu u maraayo waxa uu yidhi“ Meesha( Buuhoodle ) markii aanu tagnay waxyaabo dhacayna waa ay jiraan, oo maydad badan oo meeshii lagaga tagay ayaa jiray oo aan laba aasin, markaas insha allaah bisha ramdaan kadib ayuunbaa la gudo galayaa arimii nanabda.”

Ugu danbayntiina waxa uu garaadku sheegay in aanay xukuumadu wax shuruudo ah ku xidhin dhankooda balse ay ku adkaysay ilaalinta nabada “Xukuumadu dhankayagan wax shuruudo ah kumay xidhin, waxa ay ahayduun in nabada marka hore la dhamays  tiro, taasina waa ay socotaa.”

Comments are closed.