Hargeysa: Madal Xalay Kulmisay Mujaahidiintii SNM Iyo Weedhihii Cabdiraxman Aw Cali Iyo Muse Biixi

3
1213

 

snm 1Hargeysa (Geeska)- Waxaa xalay Hotel-ka Hadhwanaag ee magaalada Hargyesa Xus meeqaamkiisu sareeyo loogu qabtay ciidankii Nageeye ee ka tirsanaa mujaahidiintii SNM ee dalka xoreeyey, kuwaas oo xoojin lixaadle u ahaa ciidankii dalka soo galay 31-ki May 1988-kii, isla markaana kaalin wax ku oola ka qaatay wiiqitaankii taliskii Maxamed Siyaad Bare. Ciidankaas Negeeye ayaa Hargeysa soo galay 8 June, 1988, iyagoo sii huriyay dhimbiishii SNM.

Munaasibada xuska loogu sameeyey ciidankii Nageeye waxaa ka soo qayb galay gudoomiyaha xisbiga talada haya ee Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, Mujaahid Xasan Maxamed Ubaxle (Ganay), Mujaahid Muxumed Yogal Cabdi, Muj. Maxamed Koosaar, Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, , Yuusuf Dhamac, Xasan Gujuf, haween tiro badan, qaar ka mida fanaaniinta qaranka, mujaahidin kale iyo marti sharaf kale oo tira badan.

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay mujaahid Xasan Maxamed Ubaxle (Xasan Ganay), waxaanu ka waramay dareenkii iyo farxadii ay kala kulmeen ciidankii Nageeye, waxaanu carabka ku dhuftay oo uu aad iyo aad ugu nuux nuuxsaday Mujaahid Cabdi Dhicis oo uu sheegay inuu ahaa sahankii uu soo diray ciidankii Nageeye, isla markaana soo dhex jibaaxay taliskii mucangaga ahaa ee Maxamed Siyaad Bare ee ku teedsanaa qayaba kala duwan ee magaalada Hargeysa.

“Waxaan doonayaa in aan caawa halkan si wanaagsan uga xuso Cabdi Dhicis. Cabdi Dhicis oo waran isaga dhererka leeg, isla markaana sitay qori isaga ka dheer, wuxuu sitay qori la yidhaahdo N14. meel uu soo maray garan maayo ee wuxuu ka soo dhacay xaafada Siinay meel kastana cawdaga ilaa madaarka iyo xerada birjeex, dooxa oo ay jiifaan ayuu ka dhaadhacay, markaasu halkan dawlada hoose agteeda noogu yimi. Wuxuu nagu yidhi ciidan ayaa sahan ii soo daray ee halkeen soo mariyaa, waxaanu ciidankii soo mariyey halkii uu ka laba noqday. Waxa kale oo aad u xusayaa Daahir Cabdi Colow oo ahaa sarkaalkii labaad ee lagu dilay halgankii SNM, waxaana ka horeeyey Xasan Saleebaan oo ahaa nin adag oo qiimo weyn leh, dhamaan ragaas waan xusayaa caawa”

Muuse Biixi Cabdi waa gudoomiyaha Kulmiye oo isaga ayaa xukumada inagala jooga, waxaan odhan lahaa saacad kasta xusi mayno maalin ee waxaan soo jeedin lahaa xusaskan in la isugu geeyo wakhti cayiman muusaw, maadama oo aad dawladii nagala joogtid, yaanay taariikhdeenu lumin ee sida xuska mujaahidka ee loo sameeyey 17 October. Waxa kale oo aan soo jeedin lahaa in ururkii Sooyaal dib loo dhiso, iyada oo wax badan idinka jihayn lahayd oo dad khubaro ah loo sameeyo, si ay jiilka naga danbeeya taariikhda ugu soo hirtaan”

Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa isna halkaas ka hadlay waxaanu sheegay in habeenkii ay Hargeysa soo galayeen ay ahayd habeen murugo iyo taariikh lama ilaawana ahayd, waxaanu sheegay in rag badani ka baxeen oo dhiigood ay u shubeen qaranka hadda calankiisa la hadhsanaayo, waxaanu yidh mar uu ka hadlaayey soo galistii Hargeysa “waxaanu Hargeysa ku soo galnay ciidan kun iyo afar boqol ilaa kun iyo saddex boqol, kuwaas oo aanu u kala qaybinay jiidaha. Habeenkaas anigu waxaan xusayaa laba nin oo talada nagala wareegay oo ku guulaystay, nina uu nool yahay nina uu dhintay, waxay ahaayeen ragii baabuurta lahaa oo ay ka mid ahaayeen Xasan Waraabe, Khadaar, Xagato, Maxamed Yare, ina Caydiid, kuwaas oo u badnaa waayo arag kootarabaanka qaada, waan xasuustaa oo waxaa ugu fir fircoonaa Xasan Waraabe iyo Haybe Jeeni, waxay yidhaahdeen waxaynu ka dhaadhacaynaa wadadaa Xagaleed oo aanu baabuur baryahaas marin, taladaas ilaahay uu nagu guuleeyey oo waxba naguma yeelin. Saddex cisho markii aanu ku jirnay ayaa waxaa na soo gaadhay warka ah in ciidan magaalada soo galay oo uu ka soo talaabay halkan karinta oo soo maray xagaas iyo Siinay. Anaga oo halkii joogna ayaa waxaa noo yimi Maxamuud Haybe iyo ragii ciidanka watay. Xasan Ganay talooyinka uu soo jeediyey waan ogolahay. Anigu waxaan leeyahay Sooyaal waa halka kaliya ee SNM ka hadhay, raga joogaana waa rag fiican laakin hawsha ayaa ka balaadhatay. Waxay ila tahay inay u baahan tahay in la isku wada yimaayo oo wali aan anigu gogasha idiin fidiyo, oo raga waaweyn ee Cabdiraxmaan Aw Cali, Maxamed Kaahin, Dhaga wayen iyo Ina Mire oo iyana ina haya. Markaa waxay ila tahay inta la isku wada yimaado in Sooyaal la xoojiyo, taariikhda meel muujisan aanu kaga qorno. Hadii aynu labadaas samayn wayno inteena nool ayaa dambiilayaala Xasan Ganayow. Diyaar ayaan u ahay in aan hormuud ka noqdo”

 

Waxaa isna halkaas ka hadlay Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, waxaanu sheegay in ugu horayn ujeedada ciidanka Nageeye ay tahay mid laga dheehan karo magaca Nageeye oo ku tilmaamay mid nagaanshiyo ku reebay ciidankii ku jiray gudaha dalka ee xaalkood qasnaa, waxaanu yidhi “ Marka ugu horaysay magaca ayaa laga gartaaye ciidanka caawa xaflada loo qabtay. Anaka oo yaaban oo rag badan naga dhintay oo  war warsan ayay cagaha noo dhigeen. Hub ka dhigistii waxay ahaayeen ciidankii ugu horeeyey oo waliba ninkii ugu horeeyey wuxuu ahaa Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ee ku dhawaaqay hub ka dhigistii, waxayna dan u ahayd nabad galyada dalka, waana lagu dayday oo mujaahidiintii kale markaas ayey hubka dhigeen. Waxaan leeyaha oo iga talo ah in waxeena isku duwano oo aynu meel qudha isugu gayno oo aynaan maalinaba ciidan gooni xusin. Mida labaadna waan idin la qabaa in Sooyaal dhakhso loo habeeyo, taas oo indho u noqon doonta agoonta iyo maatada. Waxyaabo badan oo imika la tabaayo oo aynu qabsan karno ayaa jira in kastoo ay dawladan hadda jirtaa ay daciif tahay.”

 

Mujaahid Muxumed Yogol oo isna ka mid ahaa raggii watay ciidankii Nageeye, Mujaahid Maxamed Koosaar, Yuusuf Dhamac iyo Mujaahidiin kale ayaa iyaguna madashaas ka hadlay, kuwaas oo ku dheeraaday taariikhdii ciidankaas Nageeye.

 

Comments are closed.