Madaxweyne Siilaanyo Oo La Filayo Inuu Isbedel Ku Sameeyo Golihiisa Wasiirada Si Uu U Daweeyo Tabashada Beesha Dhulbahante

0
513

siilaanyoHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu isbedel ku sameeyo golihiisa xukuumadda, isagoo ka jawaabaya tabashada beesha gobalka Gobalka Sool ee ah inaanay Somaliland ka helin saamigoodii ay xaqa u lahaayeen.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ahi, ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in Madaxweynuhu dhawaan ku dhaqaaqi doono qorshihiisan cusub oo la sheegay inuu marka u horaysa hal wasiir ka jari doono beeshiisa oo xukuumadiisa ku leh afar wasiir. Lama sheegin masuulka uu yahay wasiirka uu beeshiisa ka soo jari doono si uu ugu dhiirado inuu beelaha kale ee Somaliland-na ku qanciyo inay aqbalaan soo jeedintiisan cusub oo uu ku doonayo inuu ku dabiibo tabashada Beeshaas Dhulbahante. Afarta wasiir ee ay beesha Madaxweynuhu golaha xukuumadda ku leedahay ayaa kala ah wasiirada madaxtooyada, duulista, ciyaaraha iyo macdanta iyo biyaha, halka ay Beesha Dhulbahanate xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku leedahay laba wasiir oo kala ah hawlaha guud iyo ganacsiga.

Warku wuxuu intaas ku darayaa inuu Madaxweynuhu beelaha kalana markaas ka dib ku fulin doono qorshihiisan oo uu ugu tallo galay inuu marka hore ku tijaabiyo beesha uu ka soo jeedo.

Warku wuxuu sheegay inuu Madaxweynuhu golihiisa xukuumadda markaas ka dib ku soo dari doono siyaasiyiin ku cusub saaxadda siyasadeed ee Somailland oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Beesha Dhulbahanate, waxaanay wararka qaar sheegayaan inuu jiro siyaasi miisaan leh oo beeshaas ka soo jeeda oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku soo biiri doona. Madaxtooyada Somaliland oo aanu isku daynay inaanu wararkan wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.

Hase yeeshe waxa haddii uu hirgalo uu qorshahan Madaxweynuhu ku soo beegmayaa iyadoo uu magaalada Buhodle ku suganyahay Dr. Saleban Ciise Xaglatoosiye oo ahaa  hoggaamiyihii hore ee maleeshiyaadkii SSC, waxaanu Saleban sheegay inuu aqbalay baaqii nabadeed ee Madaxweyne Siilaanyo ka dib markii ay ku kulmeen magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.