Ceelashii Puntland Oo Halkii Shidaal Laga Sugayey Ay Biyo Ka Soo Burqadeen Iyo Walaaca Shirkadaha

1
650

vceeelHargeysa(Geeska)-Shirkadaha shidaalka ee Range Resources iyo Red Emperor maalgashadeyaashooda ayaa niyad-jab weyn la kulmay ka dib markii ceelka Shabeel ee deegaanada Puntland  kala kulmeen biyo, halkii ay shidaal ka eegayeen iyaga iyo Puntland, isla markaana, saamiyadii labadaa shirkadood ayaa hoos u dhacay maqalka warkaa ka dib. Sidaas waxa Isniintii lagu baahiyay wakaaladda caanka ah ee Interactive investor.

Qoraal ay  Isniintii doraad soo saartay – Horn Petroleum Corporation oo ay shirkadahan shuraako ku yihiin qodista ceelashan ayaa waxay ku yidhaahdeen  "Dalool  furan oo ilaa laba kilo meter hoos  ah ayaa loogu tegay biyo keliya, iyadoo wax shidaal ah gebi ahaanba aan lagu arkin." Warkan ayaa gebi aanba ka duwan mid wiigii hore lagu sheegay in shaqadii, "marayso dhaadhaca ciida Jesomma oo shidaal ka muuqdo.

Mar la weydiiyey afhayeenka shirkadahan, waxa ka jira biyahan soo baxay halkii shidaal laga eegayey ayuu yidhi, "Ilaa aad tijaabisid, waxba kama ogid waxa kaaga soo bixi doona," ayuu yidhi.

Shirkadahaa ayaa xilligan go’aansaday inay sii qodaan ilaa 2,400 metres, si loo qiimeeyo in tijaabooyin kale loo baahan yahay. 

Saamaynta maalgashadeyaasha.

 Maqalka natiijada biyaha ayaa la sheegay in xaaladii maalgashadeyaashu kacsan tahay,  "Nasiib-laaweyaal adag, natiijo xun, laakiin kuw aweli natiijo ka sugaya waxay doonayaan saamiyo jaban." Ayaa lagu yidhi warbixinta laga qoray Batroolka biyaha isu bedelay.

Si kastoo natiijadu u xun tahay, baadhayaasha ayaa weli rajo qaba, "Baadhitaanada Puntland ayaa u muuqda kuwo adag, waxaa la filayaa in saamiyadu culays fuulo natiijada soo baxday ka dib. “ ayay warbixintu tidhi.

Dilaaliinta saamiyada ayaa sheegay inay weli raadinayaan iibka, marka loo eego qiimayntooda,  Range Resources iyo baadhitaankooda Trinidadian, oo haysta iibka 27p iyo 65p oo Red Emperor."

Ceelka labaad ee Dharoor ee isna laga qodayay deegaanada Puntland ayay shirkadii waday hore u sheegtay inay joojisay.

Arrimahan ayaa dhabar jab weyn ku noqonaya xafladii uu Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ku furay baadhitaanka shidaalkan oo uu dhawr goor sheegay in dhawaan la  heli doono.

Comments are closed.