Dalka Jarmalka Oo Sameeyay Khad Telefoon Oo Ay Dadka Cadhaysani Ku Nefisaan

0
579

iyo maantaBerlin- Waxaa dhowaan dalka Jarmalka laga hirgeliyey khat talefan oo cadhaysan u ogolaanaya in uu soo garaaco kadibna gartiisa, canaanta uu qofka ka cadhaysiiyey u jeedin lahaa iyo erey kasta oo uu ku nafisi karaba ka odhanayo shaqaalaha xafiiska talefankan laga maamula oo ka qabanaya marka uu garaaco. Qofka cadhaysan daqiiqadad kasta oo uu talefankan ku hadlo waxaa la xisaabinayaa 1.5 lacagta reer Yurub ee Euro ah.

Fikradda aasaaska u ahayd hirgelinta khadkan talefan ee lagu cadho burburayo waxa ay ku soo dhacday laba nin oo u shaqeeya shirkadda xayeysiisyada samaysa oo ku taalla magaalada Wiesbaden, labadaa nin oo lagu kala magacaabo Ralph Schulte iyo Alexander Brandenburg ayaa sheegay in dadka cadhaysan ee la soo hadlayaa ay cay, cabasho iyo ereyo aad u kulul isugu daraan, waxaana si gaar ah ula soo xidhiidha dadka shaqaalaha ah ee ka cabanaya shirkadaha iyo cidda ay u shaqeeyaan balse aan caddaysanayn cabashada ay qabaan maadaama oo ay shaqadooda u baqayaan, kadib inta ay talefankan soo garaacaan ayey qofka ka qabta ku yidhaahdaan erey kasta oo a is leeyihiin waad ku nafisaysaan.

Schulte oo ka hadlayey sababta adeeggan lacag uga qaadanayaan ayaa yidhi, “Marka aad qofka u ogolaato in uu hadal xun kugu yidhaahdo, waxaa waajib ah in hesho magdhow lacageed” labadan nin waxa ay sheegeen intii aanay furin adeeggan in ay la tashadeen khubaro ku xeel dheer cilmi nafsiga, kuwaas oo u sheegay in aanay qofka talo dhaqso ah oo cadhada ku cabudhisa siinin balse marka hore ay tahay in qofka cadhaysani uu helo fursad uu ku cadho burburo qof.

Schulte waxa uu sheegay in labadii toddobaad ee u dambeeyey oo keliya ay la soo xidhiidheen 30 ruux oo cadhaysan oo badankoodu yihiin rag ay da’doodu u dhaxayso 28 illaa 38 sano jir. Khadkan talefan ee cadho burburka waxa uu shaqaynayaa maalin kasta 16 ama 18 saac, waxaana qabanaya shaqaale u diyaar ah in qof kasta oo cadhaysani la gartamo ama ku cadho burburo caydooda iyo aflagaadayntooda.