Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Qayb Galay Xuska Maalinta Naafada Dunida

14
635

Picture3Hargeysa(Geeska)-Xuska maalinta naafada aduunka ayaa si heer sare ah looga xusay Somaliland, iyada oo markii ugu horaysay xukuumadda Somaliland ay dadka naafada ah ugu deeqday 28 mootooyinka dadka naafada ah ay isticmaalaan oo nadiib lagu helaayay iyo 150 baaskiiladood oo inta aan mootooyinkaas nasiibka u helin la siinayay.

Xuska maalintan naafada waxa ka soo qaybgalay madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo,xubno ka mid ah golahiisa wasiirada iyo marti sharaf kale. Waxaanay masuuliyiinta hor kacaayay naafada Somaliland ay madaxweynaha ka codsadeen inuu ka taageero dhinacyada waxbarashada,shaqooyinka iyo sidii ay xukuumaddiisa dadka naafada ah uga mid noqon lahaayeen.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa dhankiisa madashaas ka sheegay inay qadarin iyo taageero iyo dhiiri galin u fidin doonaan dadka naafada ah ee reer Somaliland.

Ugu horayntii waxa munaasabadan xuska maalinta naafada dunida ka hadlay guddoomiyaha dalada guud ee naafada Somaliland Mukhtaar Cismaan Waxaana Uu Yidhi“Aniga oo ku hadlaya magac guddoomiyaha naafada Somaliland waxa noo farxad ah inay munaasibadan nagala soo qayb galeen madaxdii dalka ugu saraysay  oo uu hor kacaayo madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, anaga farxad ayey noo tahay hore waxaanu u ahayn dad naafo ah oo aanay cidana hoos u eegi jirin, maanta haday xukuumadii  ay heegan noowada-yihiin waa maalin farxadeed.”

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Madaxwayne dadkii dhagoolaha ahaa waxa ay u baahanyihiin in dugsiyo iyo goobo ay waxa ku bartaan loo sameeyo, oo nala hoos geeyo wasiirada waxbarashada. Deeq aad iyo aad ubadan ayaa halkan taala oo baaskiilado curyaan ah taas oo ay qarashka lagu sameeyey ay bixisay madaxtooyadu, waana arin lagu farxo oo waliba lagu faani karo.”

Ugu danbayntii guddoomiyuhu mar uu ka hadlay caqabadaha hortaagan dadka naafada ah waxa uu yidhi“Madaxwayne Labada Qodob ayaanu maanta halkan kaaga codsan doono halkudhiga maalintana ah waxa weeyaan ee caalamka laga wada qaatay caqabadaha haysta dadka naafada ah aynu ka jabino albaabadana aynu ka balaqno si ay uga mid noqdaan xukuumadda aad gadhwadeenka ka tahay.”

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo soo gunaanaday munaasabadan xuska maalinta naafada ee caalamiga ah waxa uu yidhi “Waxa kuligeen farxad weyn inoo ah inaan kasoo qayb-galno xuska maalinta naafada adduunka oo sanad kasta laga xuso caalamka,oo bulshada caalamka u ah maalin qiimo leh oo dadkeena naafada ah wax kasta haku-nafoobeene ay maanta tahay inaynu qiimayn weyn uhayno,dhamaanteen weynu ognahay inteena kalen waynu xasuusindoonaa waxa ay inaga-gudaan iyo waxa ay naga galaan labadaba dadkeena naafada ahi,arintani waa arin inawada saaran siiba dawladsa saran, waana arin weyn oo loo baahan yahay inaynu isgarab taagno dadkeena jilicsan.

Madaxwayne Axmed Siilaanyo waxa uu ubalan qaaday in qiimaha ay leeyihiin dadka naafada ahi ay xusi doonaan waxaana uu yidhi“Waxaan balan ku qaadayaa hadii ilaahay nafta noodaayo inaanu bulshadaas naafada ah qiimaha aynagu leedahay aynu xusno oo aynu ka war qabano, oo aynu wax kasta oo ay qaban karaan kalsooni dheeraad ah ku siino haday tahay waxbarasho haday tahay shaqo iyo waxa kasta oo ay bulshada uga baahan yihiin.”

 

Comments are closed.