Dadwaynaha Oo Dhibaato Ku Qaba Waddada Wadnaha Ee Loo Xidho Bixitaanka Madaxwaynaha

6
651

Picture2Hargeysa (Geeska) – Madaxwaynaha Somaliland, Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo toddobaad kasta Madaxtooyada ka soo baxa, ayaa shacabka caasimadda iyo gaadiidkooduba dhibaato ku qabaan soo bixitaankiisa.

Madaxwaynaha oo xili kasta oo uu qasriga Madaxtooyada ka soo baxayo jidadka, siiba jidka Wadnaha la dhoobo ciidamo badan oo suga ammaankiisa, ayaa waxa ka dhasha Mushaakilaad dhanka isku socodka gaadiidka ah, waxaana saacado badan la xidhaa wadada wadnaha oo ah ta ugu isticmaalka badan waddooyinka Hargeysa, waxaana gaadiidka lagu qasbaa inay maraan wadooyin kale, waxaana dhacda in gaadiidku isku xanibmo oo ciidamada nabadgalyada wadooyinkuna ay awood u waayaan inay kala maareeyaan gaadiidka dadwayanaha ee jidka looga xidhay soo bixitaanka Madaxwaynaha.

Xidhitaanka Waddooyinka ee xiliga Madaxwaynuhu soo baxayo, ayaan ku koobnayn oo kaliya inta uu jidka marayo, balse socota ilaa inta uu ka soo noqonayo, iyada oo laga yaabo inuu ka qayb-galo Munaasibad soconaysa saacado badan, taasina waxay keentaa in shaqaalaha ku socda xafiisyada dawladda ama basaska sida ardayda jaamacadaha iyo dugsiyadu ay habsaamaan, mararka gaadhiga sida lagu qasbo inuu maro jid wareeg ku ah ama ka durugsan halkii ay u socdeen rakaabkiisu.

Xidhitaanka waddada wadnaha caasimadda oo culays ku sii kordhisa isku socodka gaadiidka oo awalba aan haysan waddooyin ku filan, ayaa waxay muran ka dhex abuurtaa ciidamada ammaanka iyo dadwaynaha gaadiidka wata oo isku khilaafa sababta saacado badan gaadiidka loo xanibo, maadaama oo ay shilal ka dhalan gaadhaan gaadiidka faraha badan ee mar kaliya boolisku jidka ka xidho, taasi oo keenta in gaadiidku dib u noqon kari waayo tiradooda awgeed.

Shalay oo Madaxwayne Siilaanyo ka qayb-galay xuska Maalinta caalamiga ah ee naafada oo lagu qabtay hoolka hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland ee Hargeysa, ayaa ciidamada ammaanku waddada wadnaha xidheen muddo dhowr saacadood ah, taasi oo ay cabasho xoog leh ka muujiyeen wadayaasha basaska ee dadwaynaha u kala qaada xaafadaha Jigjiga yar iyo Biigsiga, ka dib markii lagu qasbay inay ka leexdaan jidka dhanka Waqooyiga ka soo gasha xarunta Wasaaradda duulista (Agagaarka Baar Hargeysa), halka gaadiidkii ka imanayey galbeedka Caasimaddana saacado badan lagu hor-joogay agagaarka Wasaaradda Maaliyadda.

Xidhidda waddada Wadnaha ee Hargeysa, ayaa waxay dadwaynaha qaarkood xasuusisay wakhtiyo sidan oo kale loogu xidhi jiray Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin oo uu xilka kala wareegay Madaxwayne Axmed Siilaanyo “Waar Ma Ina Rayaale ayuu ka eegtay” sidaa waxa ku tiraabay mid ka mid ah wadayaasha basaska ee u baxa xaafadda Jigjiga yar isaga oo u jeeda xidhitaanka Waddada, waxaana su’aashaa layaabka leh ee uu ka soo baxday dirawalka ka hal-celiyey dadkii baska la socday oo ay markiiba u bilaabantay faaqidaada sababta waddada loo xidhay, waxaana qaarkood sii takiidiyeen hadalka dirawalka “Waar waxba kuma kala duwana kan (Madaxwayne Siilaanyo) iyo Rayaale”

Hadallada kooban ee aynu soo gudbinay, ayaa waxa dheer hadal haynta dadka lugta ah ee halista galiyaan gaadiidka dib u noqonaya marka waddada la xidho.

 

Comments are closed.