Xukuumadda Oo Shalay Xabsiga Dhigtay Saxafiyiin Samaysay Dibad Bax Salmi Ah

12
592

Picture4Hargeysa (Geeska) – Ciidamadda booliska Somaliland, ayaa xidhay afar Wariye oo ka mid ahaa koox suxufiyiin ah oo shalay Magaalada Hargeysa ka dhigay Mudaharaad Salmi ah, kaasi oo ay taageero ugu muujinayeen Hawl-wadeenada Wargeyska Hubaal oo xukuumadda ku eedeeyay inay ka siidaysay nin u xidhnaa weerar hal qof ku dhaawacmay oo 7 bilood ka hor lagu miray Wargeyskaasi.

Wariyayaasha la xidhay oo sitay boodhadh waaweyn oo ay ku qornaayeen weedho ay ku dalbanayeen in caddaalada la horkeeno dadkii weeraray Wargeyska Hubaal, isla-markaana xukuumaddu caddayso sababta loo siidaayay ninkii u xidhnaa weerarka Wargeyska Hubaal, ayaa ciidamada boolisku xidheen, xili ay warbaahinta dalka u soo bandhigayeen cabashadooda.

Afarta Wariye, oo ku jira saldhiga dhexe ee Booliska Magaalada Hargeysa, ayaa loo diiday in warbaahinta kale booqato, iyada oo aan la garanayn sababta xukuumaddu ay cadaadista intaasi leeg u saareyso suxufiyiintan sida nabadgalyada ah cabashadooda Mudaharaadka ugu soo bandhigay.

Xadhiga Wariyayaashan oo talista booliska iyo xukuumadda inteeda kale aanay ka hadal, ayaa waxa cambaareeyay ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA.

Xoghayaha SOLJA, Maxamed-rashiid Muxumed Faarax, oo xadhiga afarta wariye ka dib la hadlay saxaafadda ayaa xukuumadda ugu baaqay inay si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah xoriyaddooda ugu soo celiso afarta suxufi.

Xoghayaha SOLJA, wuxuu xukuumadda u soo jeediyay inay dhowrto xoriyatul-qowlka iyo madax-banaanida saxaafadda dalka isla-markaana ay joojiso cabudhinta warbaahinta.

Mudaharaadka wariyayaashan lagu xidhay ayaa waxa soo abaabulay Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal, oo dhibanayaan u ah xukuumadda oo siidaysay ninkii loo hayey weerarkii dhaawacu ka soo gaadhay Guddoomiyaha Wargeyska Hubaal Maxamed Axmed Jaamac (Caloolay), toddoba bilood ka hor.

Wariyayaasha la xidhay, ayaa kala ah:-

Siciid Khadar Cabdilaahi oo ka tirsan Telefiishanka Bulsho.

Cabdisalaan Cabdirashiid oo ka tirsan Telefiishanka Bulsho.

Xasan Maal Dhidar oo ka tirsan Telefiishanka Universal

Cabdicasiis Bashiir Nuur – oo ka tirsan Mareegta Xog-reeb.

 

Comments are closed.