Kenya Oo Sheegtay Inaanay Wakhti U Cayimin Ka Bixitaanka Somaliya

0
589

 

Kenyan-troops--007Raiisul wasaare ku xigeenka dalka Kenya Musalia Mudavadi, oo u sharaxan musharaxnimada madaxwaynenimo ee dalka Kenya, ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay Soomaaliya joogi doonaan muddo aan cayinnayn.

 

Wuxuu la hadlay barnaamijka BBC ee HardTalk, waxaa uu ka jawaabayay su'aal uu waydiiyay Weriyaha BBC Steven Sucker, oo ahayd: Mudavadi wuxuu sheegay in uusan jirin waqti u go'an ciidamada Kenya in ay soo gabagabeeyaan howlgalkooda ay xadka Soomaaliya kaga gudbeen.

Wuxuu sheegay in dadka Kenya oo dhan ay taageersan yihiin ciidamada howsha ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya

Ra'iisul wasaare ku xigeenka Kenya, wuxuu xusay in ay jirto khatar ah in al-Shabab ay howlgallo ka fuliso gudaha dalka Kenya iyagoo ka cadhaysan in Kismaayo ay ciidamada Kenya ka qabsadeen, balse wuxuu yidhi lama ogolaan karo "in argagixisadu ay noqdaan awoodda ugu xoogga badan, oo ay maamulaan arrimaha gobolka gaar ahaan gudaha dalka Kenya."

Wuxuu intaas ku daray in ay muhiim tahay in la ogaado in Kenya aysan iskeed u galin Soomaaliya, balse ay ka mid tahay ciidamada AMISOM, ayna bulshada caalamku taageersan tahay faragalintooda dalka Soomaaliya.