Tahriibka Oo Xadhkaha Goosatay Iyo Hay’adaha Ammaanka Oo Dad U Xidhxidhay

0
3741

 

Hargeysa(Geeska)-Iyadoo ay u muuqato in tahriibka dhallinyaradu uu xadhkaha goostay, ayaa xukuumadda Somaliland ay labadii caano maal ee u dambeeyay ay ku toostay halistooda.

Dhawrkii bilood ee u dambeeyay waxa dalka Talyaaniga iyo jasiirada Malta gaadhay dhallinyaro boqolaal kor u dhaafaysa oo ka tahriibay magaalooyinka Hargeysa, Borama iyo Gabiley. Dhallinyarada ayaa waxa tahriibkooda soo dedejiyay shaqo la’aan iyo rajo xumo nololeed oo soo foodsaartay, waxaanay heleen dilaaliin u fududeeyay inay gaadhaan wadanka Liibiya oo halkii markii hore looga mari jiray jid dheer oo cabsi badan ay hadda fududeeyeen dilaaliintani.

Laanta socdaalka ayaa sheegtay inay qabteen oo ay xabsiyada dhigeen shabakad isku xidhan oo Hargeysa ilaa Liibiya oo dhallinyarada tahriibka u fududaysa, waxaana dadkaas oo lagu qabtay Gabiley, xukun ku riday Maxkamadda Gabiley, waxaana lagu xukumay xadhig u dhexeeya saddex bilood ilaa lix bilood.

Si kastaba ha ahaate Madaxweyne Siilaanyo ayaa wakhtigii uu mucaaradka ahaa wuxuu hal hays ka dhigtay ‘UDUB way tagaysaaye ha tahriibin walaal.”, Laakiin tahriibkii dhallinyarada ayaa wakhtigan u muuqda inuu xadhkaha goostay.