Madaxweyne Si Cadho Leh Uga Dareen Celiyey Ipad Kiisii Oo Uu Sheegay In Laga Xaday

0
993

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa oo salaasadii 22 June booqday dekedda magaalada Cape Town ee dalkiisa ayaa shir jaraaid oo uu ku qaban lahaa dekedda waxa uu u soo kacay isaga oo ay cadho aad u badani ka muuqato, kaddib markii sida uu sheegay goobta lagaga xaday iPad kiisii. “iPad kaygii ayaa la xaday” ayaa uu hadalka ku bilaabay. Muddo daqiiqad ka badan ayaa uu madaxweynuhu ku celcelinayey ereyo ay ka mid yihiin, “Waxa aan sugaayaa iPad kaygii, qof baa iga xaday,” dadka meesha fadhiyey oo masuuliyiin dawladeed iyo warbaahin u badnaana aamusnaan iyo qosol aad u edeb badan ku qaabileen.

Madaxweynaha oo gacanyareyaashiisa weydiinaya iPad kiisa marna ku calaacalaya dhibta ay leedahay in aad waxaaga cid kale isaga dhiibto, iyo wanaagga ay lahaan lahayd in uu wixiisa haysto. Markii xaalku intaas muddo taagnaa ayaa madaxweynaha laga codsaday in uu iska fadhiisto. Goor dambe oo iPad kii la soo helay ayaa uu madaxweynuhu mar kale u soo istaagay hadalkii munaasabadda.

Madaxtooyada Koonfur Afrika ayaa mar dambe soo saartay war ay ku sheegayso in iPad ka madaxweynaha aan la xadin lana waayin, balse ay ahayd iska maad iyo qoslin uu madaxweynuhu ugu talagalay in uu dadka ku maaweeliyo inta loo keenayo iPad ka khudbaddu kaga qornayd oo lagala daahay. Dadka reer Koonfur Afrika ayaan hadalka madaxtooyada ku qancin, waxa aanay ku doodeen in dareenka madaxweynaha iyo qaabka loogu maslax in uu fadhiistaa ay muujinayaan wax ka duwan waxa ay madaxtooyadu sheegtay, taas oo ah ugu yaraan in madaxweynuhu uu waayey iPad ka.