Dhagartii Ugu Dhiirranayd Taariikhda Dunida: Waxa Uu Xaday $1 Milyan, Diyaarad Uu Afduubayna Iyada Oo Hawada Ku Jirta Ayaa Uu Ka Booday

0
551

Kaddib baadhis dhammaystiran oo muddo 45 sannadood ah socotay, Xafiiska dembi baadhista federaalka Maraykanka ee FBI waxa uu xidhay baadhitaankii rasmiga ahaa ee lagu daba jiray nin aan la aqoonsan oo magaca dembi baadhistu ula baxday yahay D. B. Cooper. 24 kii Noofambar 1971 kii ayaa uu goor duhur dabadiis ah waxa uu hawada woqooyiga galbeed ee Maraykanka gaar ahaan goballada Portland, Oregon, Seattle iyo Washington ka afduubay diyaarad Maryakanku lahaa oo uu nooceedu yahay Boeing 727.

In diyaarad uu afduubay wax cusub ma’ay ahayn, laakiin arrinta hal xidhaalaha ku noqotay taariikhda ee aan weli la furfurin waa jawaabta su’aalahan:

Waa kuma ninkan uu sirdoonku ula baxay D. B. Cooper?

Waa maxay sababta uu diyaaradda u afduubay/

Sidee uu ku baxsaday?

Maxaa ka jira in uu dhambaalo u soo diray xukuumadda Maryakan, maxaa se ay ahaayeen farriimahaasi?

  1. B. Cooper waa magaca loo bixiyey nin aan weli la aqoonsan oo markaas da’da afartanaadka ku jiray. Habeennimadii Ciidda ‘Mahadnaqa’ ee Maraykanka sannadkii 1971 kii ayaa uu iibsaday tigidhka diyaarad ay lahayd shirkadda Northwest Airlines oo duulimaad tirsigiisu ahaa 305 isaga gooshaysay garoonka diyaaradaha ee magaalooyinka Portland oo uu joogay iyo gobalka Seattle. Waa masaafad aad u yar oo 30 daqiiqo oo keliya diyaaraddu ku qaadato.

Goor hore ayaa uu diyaaradda fuulay isaga oo fadhiistay kuraasta ka dambaysa qolka laga hago. Muddo gaaban kaddib markii ay kacday ayaa uu kacay, waxa aanu waraaq u dhiibay mid ka mid ah hablihii adeegeyaasha diyaaradda ahaa. Gabadhani muhiimad ma’ay siinin warqaddii uu u dhiibay oo iyada oo aan akhriyin ay jeebka gashatay. Waxa ay u fahamtay in warqadda uu ku qoran yahay lambarka talefanka ninkan ganacsadaha oo haasaawe doon ahi.

Cooper waxa uu arkay in gabadhii aanay warqadda akhriyin, kaddib iyada oo ag maraysa inta uu dhegteeda afka ku dhoweeyey ayaa uu ugu xanshaashaqay, “Marwo waxaa fiicanayd in aad akhrido warqadda aan kuu dhiibay ka hor inta aanad jeebka gelin, waayo waxa aan haystaa bambo”

Warqaddan illaa maanta lama garanayo waxa dhab ahaan ku qornaa, waayo markii dambe ayaa uu dib u qaatay. Laakiin sida ay sheegtay gabadha adeegtada ah oo markii uu u sheegay akhriday warqaddu, waxa ay ahayd warqad ku qoran far aad u kala saaran oo qurux badan. nasiibdarrro se ma’ay xasuusan wixii ku qornaa oo erey-erey ah, marka laga tago macnaha guud ee sheegaya in uu bambo sito. Markii ay warqadda akhriday ayaa ay si tartiib ah dhinaciisa u fadhiisatay si uu ugu xaqiijiyo sheegashadiisa. Cooper oo fahmay ayaa furay shandad madow oo uu sitay, taas oo ay gudaheeda ku jiraan 8 walxood oo xadhko xadhko kuwa korontada ah isugu xidhan dusha sarana uu kaga rakiban yahay baytari weyn dushana ay kaga duubantahay bac ah xabag midabkeedu casaan yahay.

Gabadhii waxa ay Cooper weydiisay waxa uu dalbanayo oo ay ka qortay, waxa aanu qabsaday 200 oo kun oo doolar oo sarrifka maanta ee doolarka Maraykanka u dhigma hal milyan iyo 260 kun oo doolarka Maraykanka ah, afar dallaayada / baaraashuudka diyaaradda lagaga boodo, booyadda shidaalka diyaaradaha ku shubta oo loogu sii diyaariyo garoonka Seattle si ay diyaaradda shidaal ugu shubto marka ay gaadho garoonka. Xogtan oo dhammaystiran gbaadhi waxa ay u gudbisay duuliyihii diyaaradda masuulka ka ahaa.

Duuliyaha oo magaciisu ahaa William Scott markii uu xogtan helay waxa uu dhaqso ula xidhiidhay laanta socdaalka hwada ee garoonka Seattle oo iyaguna dhaqso warka ugu tebiyey guddoomiyaha hay’adda duulimaadyada madaniga ah.

Gabadhii shaqaalaha diyaaradda ahayd waxa ay rakaabkii diyaaradda ku wargelisay in diyaaraddu ay ka dib dhici doonto waqtigii loogu talagalay in ay fadhiisato garoonka diyaaradaha ee Seattle. Sababtana waxa ay ku sheegtay dhibaato fudud oo dhinaca farsamada diyaaradda ah. Waxa aanay ugu laab qaboojisay in aanay jirin wax ay ka warwaraan. Maamulaha shirkadda Northwest Airlines ayaa amray in la bixiyo lacagta madax furashada ah ee uu afduubuhu dalbanayo, waxa aanu shaqaalaha ay khusayso oo dhan ku amray in ay iskaashi buuxa la sameeyaan dalabaadka Cooper.

Muddo laba saacadood ah ayaa ay diyaaraddu hawada wareegaysay iyada oo sugaysa in lacagta madax furashada ah oo ay shirkaddu ka soo ururinaysay akoonnada kala duwan ee ay bangiyada ku leedahay. Lacagta cidda la siinayo waxa ay shirkaddu ku calaamadsatay magaca “L” si uu noqdo magaca lagu dabageli doono haddiiba uu baxsado.

Fariid, anshax badan oo deegaanka aad u kala yaqaanna

Gabadha diyaaradda ka shaqaynaysay ee la macaamishay Cooper waxa ay baadhayaasha u sheegtay in uu ahaa nin ay ka muuqato fariidnimo badan, si fiicanna u kala garanayey deegaanka. Markii ay diyaaraddu dul maraysay garoonka Seattle ayaa uu kaga yaabiyey, kaddib markii uu u sheegay markii ay ku beegnaayeen garoonka, iyo in saldhig ciidamada cirka ahi uu ku yaallo meel 20 daqiiqo oo keliya u jirta garoonka madaniga ah.

Waxa ay sheegtay in Coopar uu ahaa shakhsiyad aad u deggen, anshax badan, af macaan, wejigiisana aanay ka muuqan in uu yahay qof dhagarqabe ah. Waxaa intaas u dheeraa in uu ahaa shakhsi feejitan, oo intii ay wada joogeen oo dhan aan mar keliya laga arkin dareen kacsan, shakhsi dhibirsan oo ereyo dabacsan oo naxariisi ku dheehantahay ku dalbanaya waxa uu doonayo, gaar ahaan mar uu cunto dalbaday, intii ay diyaaraddu diyaaraddu ku hakatay garoonka Seattle ee ay shidaalka ka qaadanaysay, lacagta madax furashada ahna diyaaradda lagu wareejinayey.

Waxa ay Waxaa intaas u dheeraa, in uu ahaa shakhsi feejitan, oo intii ay wada joogeen oo dhan aan mar keliya laga arkin dareen kacsan. Shakhsi dhibirsan oo ereyo dabacsan oo naxariisi ku dheehantahay ku dalbanaya waxa uu doonayo, gaar ahaan mar uu cunto dalbaday. Intii ay diyaaraddu diyaaraddu ku hakatay garoonka Seattle ee ay shidaalka ka qaadanaysay, lacagta madax furashada ahna diyaaradda lagu wareejinayey.

Goor caways ah ayaa ay ahayd markii Coopar loo dhamaystiray dalabkiisii laguna wareejiyey lacagtii madax furashada ahayd. Kaddib waxa uu amar ku bixiyey in la dejiyo dhammaan rakaabka iyo shaqaalihii diyaaradda oo ay ku jirto gabadhii muddadii afduubka oo dhan ay xidhiidhayeen. Waxaa ku soo hadhay duuliyihii iyo gacanyarihiisii iyo gabadh kale oo iyaduna shaqaalaha u adeega rakaabka ahayd iyo farsamayaqaankii diyaaradda. Waxa uu amray in diyaaraddu ay u kacdo dhinaca magaalada Mexico City ee caasimadda dalka Mexico, si ay mar kale u fadhiisato mid ka mid ah garoomada diyaaradaha ee gobalka Nevada ee galbeedka Maraykanka si ay shidaal uga qaadato. Markii diyaaraddii hawada gashay ayaa uu Coopar dadkii diyaaradda saarnaa amar ku siiyey in ay dhammaantood galaan qolka diyaaradda laga wado ee duuliyaha, qaybta dambe ee rakaabkana kelidii kaga tagaan.

 

15 daqiiqo kaddib ayaa uu duuliyihii arkay guluubta / laydhka khatarta sheega ee diyaaradda oo baxaya, isaga oo tilmaamaya in qaybta dambe ee diyaaradda dhibaato ka jirto, waxa kale oo uu dareemay in diyaaraddu si aan ku talagal ahayn u dhintay xawaarihii, taas oo macnaheedu yahay in uu isbeddel ku yimi cadaadisii hawada ee diyaaradda. Markii arrintii ay eegeenna waxa ay ogaadeen in Coopar uu furay albaabka dambe ee diyaaradda oo uu ka booday isaga oo adeegsanaya dalladdii / baarashuudkii, siina qaatay lacagtii madax furashada ahayd.

In kasta oo shan ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee F16 ka loo yaqaannaa ay ku kaltamayeen dabagalka iyo la socoshada diyaaradda afduuban ee hwada ku jirta, haddana duuliye keliyi ma’ uu arkayn goorta uu Coopar booday.

Baadi goob aan midho dhalin

Illaa maanta cidi ma garanayso in Coopar uu ku guulaystay la baxsashada lacagtaas iyo in kale, ama xitaa geeri iyo nolol halka uu ku dambeeyey. Sida oo kale lama garanayo sida ay qof uguba suurtageli karto in gudcur habeennimo oo dabaylo waaweyni jiraan ah uu ka boodo diyaarad ku duulaysay joog 10 kun oo mayl ah, heerkulkuna uu 10 digrii ka hooseeyey eberka.

Si kastaba ha ahaato ee masuuliyiinta dembi baadhista Maraykanku si aad ah ayaa ay ninkan uga raadiyeen keymaha la filayey in uu ku beegnaa markii uu diyaaradda ka booday, wax natiijo ahna kama ay gaadhin. Markiii quus laga istaagay keymahan iyo dhulkii ku dhowaa oo dhan, waxa ay FBI bilowday I nay la xidhiidho dhammaan shirkaddaha, xafiisyada iyo goobaha kale ee loo shaqeeyo, si ay u ogaato in ay jirto cid shaqadeeda si kedis ah uga maqnaatay, ama muddo ay si kedis ah u maqnayd kaddib soo noqotay, taas oo loo malayn kari lahaa in ay ciddaasi Coopar tahay. gaar ahaan haddii waqtiyada ciddaasi shaqada ka baxday ama ku soo noqotay ku beegantay waqtiyadii uu Coopar diyaaradda afduubay.

6 dhambaal oo ka dambeeyey baxsigii Coopar oo dhammaantood magaciisu ku qornaa

Maalmihii ka dambeeyey hawlgalkaas afduub ee aadka u dhiirranaa, waxaa bilowday dhambaallo cusub oo loo soo dirayo wargeysyada dalka Maraykanka. Dhambaalladaas oo xambaarsanaa farriimo sita macneyaal kaftan iyo quudhsi isugu jira, waxaa ku qornaa qof magaciisa ku sheegay Coopar, oo aan sheegin meel laga heli karo iyo aqoonsi dheeraad ah. waraaqahan oo FBI ay muddo baadhaysay waxa ay ugu dambayntii ku tilmaamtay kuwo dad ciyaar iyo ilaaq wadaa soo qorayaan, kaddib markii la shaaciyey magacaabay D. B. Coopar.

Waxa se xiise leh afartii warqadood ee ugu horreeyey in dadka loo soo bandhigay, halka labadii ugu dambeeyey ay hay’adaha ammaanku diideen in warbaahintu faafiso. Arrintaas oo loo fahmay in ay dhambaalladaas u arkeen kuwo aan la dhayalsan karin sida ay marka hore u dhigeen.

Dhambaalladaas farriimaha ku qornaa iyo taariikhaha ku suntanaa waxaa ka mid ah:

Dhambaalka koowaad

Waxaa la soo diray 29 kii Noofambar 1971 kii, waxa aana faafiyey wargeyska Reno. Warqaddan waxaa ku qornaa weedh keliya oo ahayd, “Digtoonoow, waa aad ku mahadsantihiin martigelintiinii wanaagsanayd”

Dhambaalka labaad

Warqaddan waxaa 30 kii Noofambar 1971 kii loo diray wargeyska ‘Vancouver newspaper’ waxaana ku qornaa, ‘Sawirkayga ku yaalla bogga saddexaad ee ay FBI igu sheegtay, ma’aha sawir run ah. Waxa aan ku raaxaystay ka qaybgalka ciyaarihii koobka. Hadda kaddib waa aan ka tegi doonaa magaalada Vancouver, waad ku mahadsantihiin margelintiinii fiicnayd”

Dhambaalkii saddexaad

Dhambaal majaladda Play Boy loo diray 1 dii December 1971 kii, ayaa isagana qof magaciisa Coopar ku sheegay uu ku soo qoray, “Waa aan noolahay, shaqo fiican ayaanan ka hayaa halka aad ku dhalateen” Taas oo loo fahmay in uu uga jeedo gobalka Oregon oo ah xarunta ay majaladdu ka soo baxdo.

Dhambaalkii Afaraad

Isla taariikhdaas hore ee 1 december 1971 kii dhambaal kale ayaa loo diray majaladda ‘Reno’ waxaana lagu qoray, “Mustaqbalkaaga qorshe u yeel, si aad u hesho dakhli aad isticmaasho marka aad hawlgab noqoto” dhambaalkanna waxaa lagu saxeexay magaca Coopar.

Dhambaalkii Shanaad

Toban maalmood kaddib farriinta hore, waxaa 11 kii December 1971 kii la soo diray farriintii shanaad ee loo ekeysiiyo in uu soo qoray Coopar. Farriintani si ka duwan kuwii hore waxa ay mar wada gaadhay wargeysyada ‘New York Times, Seattle Times, Los Angeles Times iyo Washington Post’ waxaana ku qornaa, “Mudaneyaal, tan iyo bilowgiiba waa aan ogaa in aanay cidi i qaban kari doonin. Marka aan wax xadayey uma aan haysan in ay noqonayso sida jacayl ama jilid halyeeynimo, ama mid uun ka mid ah ereyada kalgacalka iyo naxariista u taagan ee kale ee inta badna lagu xidhiidhiyo qofka mawqifyo khatartoodu badan tahay ku kaca. Mana ihi Robin Hood kii casrigan, nasiibdarro waxa aan ka xumahay in noloshayda ay 14 bilood oo keliyi ka hadheen”

Farriintan oo kuwii hore dheerayd waxa uu intaas ku daray, “Noloshayda waxa aan ku soo qaatay nacayb, khalkhal iyo gaajo. Waxa ay u eegtahay in noloshaadi ay tahay midda ugu dhaqsaha badan, uguna faa’iidada badan ee lagu kasban karo in yar oo raaxo badan. Dadka kuma canaananayo in ay igu nacaan waxa aan falay, cidna kuma canaananayo xiisaha ay ku doonayso in la I qabto oo la ciqaabo, in kasta oo aanay taasi marnaba dhici doonin”

Isaga oo sii wada qoraalkiisa waxa uu intaas ku daray arrin yaab badan, “Boqol xisaabood ayaa ay baadhayaashu isu geysan karaan, laakiin marnaba kuma guulaysan doonaan in ay i helaan ama xitaa tilmaam fiican iga helaan; dhammaanteenna arrintaas waa aynu ognahay, safarro badan oo duulimaad ayaa aan galaa, runtiina magaalooyinka qaar marka aan joogo isma qariyo. Anigu ma’ihi dilaa nafsi ah, weligayna ma’aan gelin wax sharci jebin ah, xitaa noloshayda gaadhi kumaan wadin xawaare ka badan intii sharciga ahayd. … waad ku mahadsantihiin danayntiina”

Dhambaalka lixaad

28 kii bishii March 1972 kii waxaa goostada Portland lagu soo diray dhambaal laga soo diray Florida oo lagu soo saxeexay ‘Maalqabeen” warqaddan in kasta oo aanay magaca Coopar sidan haddana waxaa loo fahmay in qofkaas isku magacaabay ‘Maalqabeen’ uu isagii noqon karo, waxa aana ku qornaa, “Warqaddani waxa ay idin ogeysiinaysaa in aanan dhiman, balse aan weli si dhab ah u noolahay. Dhowaan ayuun baan ka soo noqday jasiiradaha The Bahamas. Waa ay dhici kartaa in ciidamadiina maan laawayaawhi ay ay joojiyaan raadintayda, laakiin waxa ay muujinaysaa ilaa xadka ay gaadhsiisantahay doqonniimada xukuumaddani”

Ma dhabbaa in Coopar uu soo diray waraaqahan?

In kasta oo dhambaalladani aanay xambaarsanayn wax raad ah oo si dhab ah loogu caddayn karo in Coopar uu yahay qofka soo qoray, haddana madowga ku jiraa waxa uu keenay tuhunno badan oo arrintaas laga qabo. Sida uu ku warramay wargeyska Reno, dhammaan farriimahan oo loo gudbiyey waaxda shaybaadhka ee dembi baadhista FBI si baadhis dheeraad ah loogu sameeyo, lagama helin wax muujinaya in Coopar uu qoray ama aanu qorin.

Baadhis iyo dabagal ay FBI muddo sannado badan ah ku raadinaysay Coopar, haddana cidi ma’ay garan ninkaas afduubka geystay ee ama xitaa in wejigiisa la garto. Waxaana xusid mudan in arrintani aanay ahayn xaaladda keliya ee hal xidhaalaha ku noqotay baadhayaasha dalka Maraykanka. Waxaa jira boqollaal dembi fale oo tobannaan sano la raadiyey laakiin ugu dambayntii galkooda la xidhay markii laga quustay helitaankooda. Dhammaad.