Somaliland Sidee Wadan Hodon Ah U Noqon Kartaa?

0
697

Dhawr dhinac ayaynu suaashan ka eegaynaa:

Cabdinaasir Axmed X. Aadan Afqallooc

Waxay ku jirnaa wadama dunida ugu saboolsan. Adeegyada aasaasiga ah sida waxbarshada, caafimaadka, biyaha aad ayay u hoosaysaa. Miisaaniyada marka laga saaro deeqaha debeda kama badna $223.7 malyuun. Kala badh miisaaniyadu waxay ku baxdaa ciidamada. Dhaqaalaha dalku inyar ayuu gacanta ugu jiraa tusaale ahaan dhoofka xoolaha, soo dejinta badeecadaha, isgaadhsiinta iyo xawaaladahaba. Abaaraha soo laalabanaya ayaa iyana saboolnimada ka qayb ah – iyaga oo sababaya in dad badani isaga soo hayaamaan miyiga oo nolol iyo shaqo u soo raadsadaan magaalooyinka.

Xaalada saboolnimo ee aynu ku jirno ma ka bixi karnaa? Haday jawaabtu haa tahayna, jidkee qaadi karnaa si aan horumar dhaqaale u gaadhno.

In aad horumar dhaqaale aynu samaynoo waxa aad u baahanay lacag adag, haddii aynaan helin lacag, ma horumarayno. Horumarka waxa fure u ah dhigaalka – dhigaalka lacageed iyo maalgashiga. Labadan ayaa sababa inaynu awood u heli karno waxsoosaar ama bixin karno  adeegyo. Somaliland dhibta dhigaalka ayaa haysata oo dadku dhigaal ma laha. Inta shaqaysaaba yar. Intaasina lacag buuran oo dhigaal geli kartaa ma helaan. Kharash ayay dib ugaga baxdaa. Markaa maxaa xal ah? Si aad dhigaal lacageed u hesho waxa aad u baahan tahay kaalmo. Kaalmadaas waxay noqon kartaa kaalmo debedeed sida maalgashi– oo tusaale ahaan aan usoo qaadan karno maalgashiga DP World ee dekeda Berbera iyo midka shirkada Coca-Cola ku maalgashay Hargaisa. Kaalmooyin kale ayaan iyana u baahanahay haday ahaato mid dadkeena qurbuhu inoo diraan, kaalmo aqooneed/farsamo (sida hayada lacagta adduunka oo inaga caawisa wax ka bedelka nidaamkeena misaaniyeed, iyo caruureedba), lacageed, iyo mid horumarineedba ama biniaadanimoba. Maalgashiga iyo dhigaalku waa isku sidkan yihiin. Haddaanaynaan helin maalgashi gudeed ama debedeed oo waafiya, ma helayno dakhli aan dhigaal ka dhigan karno. Maalgashiga ayaa abuura in la helo mushahaarooyin iyo faaidooyin dhigaal laga helo, dhigaalkaas ayaana ka dib noqda mid wax lagu maalgashado – xaalada isku soo laalaabanaysa ayaa falkisa oo kobcisa kor u kaca dhaqaalaha. Sidaa darteed dalku maalgashi iyo dhigaal lacageed inuu helaa waa khasab.

In dhaqaaluhu koro waxa iyana albaab u ah nidaam iyo hayado dawladeed oo tayo leh. Dhibta inaga haysata inaynu horumar dhaqaale samayno waxa ka mid ah tayada liidata ee hayadaha dawlada – waa siyaasiinta, madaxda dawlada, iyo kuwa danahooda dhex marsada dawlada si ay u helaan dheefta sida qandaraasyada, leexsashada hantida qaranka. Waa in awooda dawladnimada looga faaidaysto dano dhaqaale oo shakhsi ah si toos ah iyo si dadbanba. Haddaad dib u xasuusato mashaariicda malaayiinka dollar ku baxday ee guuldaraystay waxaad ila qiraysaa in tayaynta hayada dawladu ay iyana albaab u yihiin horumarka. Inaan haayadaha dawlada salka kasoo dhisno oo tayayno, kana saarno nidaamka awoodu inuu qofaf ku ururo – abuurnona maamul-daadejin ku dhisan hab banaanyaal, hufnaan iyo isla xisaabtan leh oo haayadaha dawladu u adeegaan.

Marka laga yimaado tayada hayadaha dawlada. Doorka dawladu ka qaadan kartaa inaynu dhaqaalaha kor u qaadno waxa ka mid ah inay dawladu samayso hanaan la saaxiib ah suuqyada – tan waxaa ka mid ah in dawladu dhisto kaabayaasha kaabayaasha sida wadooyinka (sida wadada Ceerigaabo iyo Burco oo dhamaad ku dhaw), dekedaha, garoonada diyaaradaha, iyo dabka. Hantida waxsoosaar ee ugu wayn Somaliland waa xoolaha. Waa in dawladu xooga saartaa in la dhiso kaabayaasha xoolaha sida biyaha, calafka xoolaha, caafimaadka xoolaha, iyo aqoonta cilmiga xoolahaba. Sidoo kale waa inay dhistaa nidaamka, dhismayaasha iyo ka shaqaysiinta adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada. Biyana oo magaalooyinka waawayn khaasatan caasimada ku ahna xal u heshaa. Dawladu waa inay dhiirigelisaa wax dhoofinta sida xoolaha, beenyada, kaluunka iyada oo suuqyo cusub u raadinaysa ama gorgortan la gelaysa wadamada wax badan inoo keena sida Ethopia oo ay tahay inay wax inagaga bedelato badeecadaha ay inoo soo dhoofiso. Iminka Somaliland walaw ay sabool tahay, hadana inta yar ee dhaqaale ah ee soo gasha ma wada gaadho goboloda oo dhan si xajmi ahaan is le’eg – horumar dheeli tiran markaa ma iman doono oo goboladu way kala hormari tano ay tahay in siyaadaha iyo qorshayaasha qaran lagu saleeyo in horumar dheelitiran la wada gaadhsiiyo dalka oo dhan. Arimahan oo dhani qorshayaal wakhti fog, wakhti dhexe iyo wakhti dhaw iyo dhaqaale ayay u baahan yihiin. Siyaasado haga ayay u baahan yihiin. Shuruuc la raaco ayay rabaan. Dhaqaale ahaan, kaabayaal badan maalgashi ayay dawladu u raadin kartaa sida dekeda Berbera, iyo wersheda CocaCola ugu heshay. Dadka reer Somaliland ama shirkadaha/ganacsiyada gaarka loo leeyahay ayaa maalgashan kara sida dabka, isgaadhsiinta, bangiyada. Halka kaabayaasha aan macaashka laga healayn ay tahay in xukuumadu miisaaniyada ka dhisto. Iyada oo la eegayo khatarta amni ee Somaliland debeda kaga iman karta, hadana waxa muuqata in kala badh miisaaniyada dalka ku baxdo ciidamada – tani waxay curyaaminaysaa awooda dawladu wax kaga qabanayso samaynta kaabayaasha dhaqaale ee dalku u baahan yahay. Midan ayaa u baahan in dib loogu laabto.

Ugu danbayn waxaan ku soo koobayaa, si aynu jidka horumarka u qaadno oo Somaliland uga baxdo dabaqada hoose ee dhaqaalaha waxa lagama maarmaan ah inaan helno maalgashi iyo dhigaal; in aan haayadaheena dawladeed aynu tayeyno; dawladuna dhaqaalaheena dib u qaabayn ku samayso iyada oo ka dhigaysa mid mid u dhiyaarsan inuu kor u kac sameeyo iyada oo in aynu dhisno kaabayaasha dhaqaale ee dalkeenu u baahan yahay, helnona suuq xor ah oo ganacsiga gaarka loo leeyahay wado si aan uga baxo saboolnimada, uguna talaabsado horusocod dhaqaale.