Madaxweyne Salaada Maxaa Kuu Weheliya?

0
540

 

siilaanyoHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa salaadii Jimce ee shalay ku tukaday Masaajid ku yaala xaafadda Shacabka ee magaalada Hargeysa.

 

Madaxweynaha oo ay weheliyeen wasiirka madaxtooyada, taliyaha ciidamada qaranka, guddoomiyaha KULMIYE iyo xubno kale, wuxuu banaanka u soo baxay iyadoo aanay ilaalo culus iyo tiknikada dagaalku la socon, waxaanu ku tukaday masaajid uu mararka qaar ku tukun jiray Jimcayaasha wakhtiyadii uu mucaaradka ahaa, waxaanu si dhammaystiran bilow ilaa dhammaad u dhagaystay khudbadii salaada Jimce.

Madaxweynaha ayaa markii salaada Jimce laga baxay, wuxuu soo maray jidka dheer ee dhex mara xaafadda xero-awr ee Hargeysa isagoo saaran baabuur leh taariko shicib.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa tan iyo markii la doortay wuxuu mararka qaar u soo baxaa suuqyada magaalada Hargeysa, laakiin wuxuu bixitaankiisan shalay ku soo beegmayaa wakhti dalka looga diyaar garoobayo doorashada goleyaasha deegaanka oo ay ka qayb galayaan sagaal urur siyaasadeed oo uu KULMIYE ka mid yahay.