Guddoomiye Cabdidrashiid Duraan Oo Bil Ka Dib Isagoo Caafimaad Qaba Soo Noqday

0
555

 

duraanHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Hargeysa Md. Cabdirashiid Maxamuud Duraan, ayaa shalay dalka dib ugu soo noqday isagoo caafimaad qaba, ka dib markii ay bil ka hor kooxo hubaysani toogteen isagoo salaad subax ka soo baxay.

 

Md. Duraan oo ka soo kicitmay dalka Djibouti, waxa si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka Berbera, waxaana soo dhawayntiisa ka qayb galay dadweyne tiro badan iyo xubno ka tirsan xukuumadda iyo bahda cadaaladda. Md. Duraan oo gacan qaaday dhammaan dadkii faraha badnaa ee soo dhaweeyay, wuxuu u mahadceliyay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu sheegay inuu Alle ka sokow qayb libaax ka qaatay inay xaaladiisa caafimaad hagaagto, waxa kale oo uu u mahadceliyay dadkii kala duwanaa ee u soo duceeyay iyo weliba dawladda Djibouti oo uu sheegay inay si fiican u soo dhawaysay.

 “Alle ayaan ugu horayn u mahadcelinayaa, mar labaadka waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadda oo Alle ka sokow sabab u ahaa asbaabihii aan caafimaadkan ku helay, waxa kale oo aan u mahadcelinayaa dawladda Djibouti iyo cid kasta oo caafimaadkayga ka qayb qaadatay iyo dhammaan shacabka Somaliland.” Ayuu yidhi Duraan.

Geesta kale, waxa Cabdirashiid Duraan si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa iyadoo ay dadweyne tiro badani kaga hortageen duleedka bari ee caasimadda Hargeysa.

Md. Duraan, ayaa bishii hore lala beegsaday rasaas ay ku rideen kooxo hubaysani, laakiin waxa ay rasaastaasi gaadhsiisay dhaawac isla maalintiibana waxa loo qaaday wadanka Djibouti. Hay’adaha ammaanka ayaa dad badan u xidhay falkaas, waxaanay ugu dambayn sheegeen inay gacanta ku dhigeen qofkii xabadda riday oo ay sheegteen inuu dambiga qirtay.