Ururka Umadda Oo Qalbi Furan Ku Qaabilay Murashax Mustafe C. Daahir

0
637

 

umadaHargaysa( Geeska )-Urur Siyaasadeedka UMADDA ayaa Magaaladda Hargeysa ku soo bandhigay xildhibaan u sharaxan doorashada golaha deegaanka Caasimada Hargeysa, kaasi oo watay taageerayaal aad u tiro badan.

 

Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Hotel Shiraaqle ee bariga Magaaladda Hargeysa ayaa urur siyaasadeed Umadda waxa uu ku soo bandhigay Mustafe Cismaan Daahir, kaasi oo ka mid noqonaya musharixiinta ugu tartamaya golaha deegaanka Caasimada Hargeysa.

Munaasibada ururka Umadda ku soo bandhigay Mustafe Cismaan Daahir waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Umadda Dr.Maxamed Cabdi Gaboose, Guddoomiye ku xigeenka urukaasi, wasiir ku xigeenkii hore ee Maaliyadda, Salaadiin, Cuqaal, dhalinyaro iyo haween tiro badan, kuwaasi oo halkaasi ka muujiyey taageerada ay u hayaan Musharax Mustafe Cismaan Daahir.

Musharax Mustafe Cismaan Daahir, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu han-weyn yahay inuu ku soo baxo doorashada deegaanka, isaga oo tilmaamay inuu yahay shakhsi karti iyo aqoon isku huba, bulshada reer Hargeysana ka war qabto waxyaabo badan oo uu hore u qabtay, isaga oo dadwaynaha ka dalbaday inay ugu duceeyaan inuu ka mid noqdo golaha deegaanka Caasimada ee la rajaynayo inay wax ka bedalaan sida wax u socdaan.

Mustafe Cismaan Daahir, waxa uu sheegay inaanu reer Hargeysa isku sharaxayn, balse uu guud ahaan degmooyinka Hargeysa Guddoomiye ka soo noqday , isla-markaana ka soo shaqeeyay waaxaha kala gedisan ee dawlada hoose ee Hargeysa, dadkuna arkeen waxqabadkiisa, sidaa daraadeedna uu ku kalsoon yahay inuu ku soo baxayo doorashada deegaanka Hargeysa.

Munaasibadan waxa kale oo ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee ururka Ururka Umadda Cabdirashiid, waxaanu sheegay inay urur ahaan aad ugu faraxsan yihiin inay soo bandhigaan Musharax da’yar oo aqoon iyo waayo-aragnimo badan u leh hawlaha deegaanka oo uu muddo ka shaqeynayey, waxaanu taageerayaasha iyo waxgaradka beesha Mustafe Cismaan uga mahad-celiyeen musharaxan.

Munaasibadan oo ay ka qayb-qaateen kooxda SOCSA isla-markaana dhowr Abwaan ka tiriyeen Gabayo muhiim ah, waxa ugu dambayntii ka hadlay Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Umadda Dr.Maxamed Cabdi Gaboose, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay mahad-naq uu u diray taageerayaasha iyo waxgaradka Mustafe Cismaan Daahir ee halkaasi joogay, isaga oo si farxad leh u sheegay in Musharax Mustafe Cismaan uu muujiyey kalsooni badan oo uu shacabka reer Hargeysa ugu qabbo inay soo saaraan, isaga oo xusay in soo bixida Mustafe ay dan u tahay ururka. Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Waxay nootahay qadarin weyn maalin farxadeed iyo mid guul, waxaanu illaahay ugu rajaynaynaa Mustafe Cismaan inuu guulaysto, waayo guushiisa iyo guusha ururka Umaddu waa mataano isku xidhan, ogaada qaabka ay doorashada Somaliland u dhacaysaa waa is xanbaar.xildhibaanku waxa uu xanbaarayaa xisbiga, xisbiguna waxa uu xanbaarayaa musharaxu noqda madaxweyne.Waxaan hubaa illaahay agtiisana ka rajaynayaa inuu Mustafe guusha ugu balaadhan ee Hargaysa uu keeno.” Dr.Gaboose Hadalkiisa waa uu sii watay oo waxa uu yidhi “ Taageerayaasha Mustafe Cismaan oo aan aniguna isku hubay inay taageeraashayda yahiin, hadii ay fahmeen inamada iyo habala karaamada kuleh deegaanka balaadhan ee ay joogaan, waxaan hubaa in aan  xulkii seegin, waxaan hubaa in ayn asiibeen shaqsigii ka iibsami lahaa qaran ahaan, waxay soo xuleen shaqsi dhalinyaro ah oo himilo leh, dardarna qaba, waxay soo xuleen shaqsi dareen uleh caasimada Hargaysa, dareenbuu u leeyahay oo xuduntiisiibaa ku aasan.”

Dr.Gaboose oo xubintan ururkiisu u soo sharaxay aad u amaany isla markaasn u muujiyay la dhacsanaan badan ayaa hadalkiisa ku soo gunaanaday sidan “ Ururda qaarbaa waxay doortaan shaqsi iyo magac aan Hargaysaba laga garanayn, oo ay  odhanayaa waa musharaxayagii. Mustafe iibin maayo bulshada uu ka soo jeedana iibin mayso ee Hargaysa ayaa iibanaysa, anaga ururka Umadda xubintan naloo soo xulay ayaa noo ah in nala jecelyahay oo nalala doonayo inaan meel sare gaadhno.”