Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Safar Ugu Baxay Maraykanka Iyo Kanada

0
550

Picture3Hargeysa (Geeska)-Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylaci), iyo wafti uu hogaaminaayo, ayaa shalay galab safar ugu baxay dalalka Maraykanka iyo Kanada.

Waftigan oo madaxweyne ku xigeenka ay ku wahelinayaan wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashada iyo la’ taliyahiisa gaarka ah, ayaa ka hor intii aanu ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, waxaa uu warbaahinta kula hadlay badhtamaha madaarka Hargeysa, waxaana uu faah faahin ka bixiyey u jeedada socdaalkiisa, waxaana uu carabka ay galayaan socdaal qaadan doona illaa saddex todobaad oo ay ku tagayaan dalalka Maraykanka iyo Kanada.

"Maanta waxaan u kici timaynaa dalka Maraykanka iyo Kanada, socdaal kooban oo aanu rajaynayno in ay nagu qaadato muddo saddex todobaad ah aanu ku soo mari doono hawlo shaqo waxii noo qabsoomi kara, iyo in aanu jaaliyadaha reer Somaliland aanu isku soo xog warano ayaanu u kicitimaynaa iyada oo uu ila socdo wasiiru dawlaha wasaarada waxbarashadu iyo la taliyahayga gaarka ah, waxaan rajaynaynaa Insha Allah in aanu safarkaas guul ka soo hoyno.".Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylaci.