Madaxweyne Ku Eedaysan In Mucaaradkiisa Uu Ku Ciqaabo Nolosha Oo Uu Ku Gubo, Waaxyaha Oo Uu Jaro Iyo In Uu Yaxaaska U Dhigo, Si Inta Kale U Baqato

0
639

1Manila (Geeska)- Nin lagu magacaabo Edgar Matobato oo ay saaxiibbo dhow ahaayeen madaxweynaha dalka Filibiin Rodrigo Duterte ayaa golaha baarlamaanka ee dalkaas ka hor sheegay in madaxweynuhu uu maamulo unug sir ah oo lagu magacaabo ‘Unugga dhimashada’ kaas oo uu u adeegsaday in uu si fool xun u dilo boqollaal dadka mucaaradka ku ah ka mid ah.

Arrintan oo dood aad u kulul iyo khilaaf siyaasi ah ka dhex abuurtay Dalka Filibiin ayaa uu Edgar ku sheegay in madaxweyne Rodrigo Duterte 25 sano oo uu ahaa duqa magaalada Davao ay unugtan uu maamulaa amarkiisa ku dileen 1000 ruux oo isugu jiray dembiilayaal iyo dad lagu dhex qariyey oo ahaa mucaaradkiisa. Edgar Matobato oo qudhiisu ka mid ahaa saaxiibbada ugu dhowaa madaxweyne Rodrigo Duterte isla markaana ka mid ahaa dadka uu u adeegsan jiray dilka dadka, laakiin hadda sheegay in uu qoomamaynayo ayaa baarlamanka dalkaas oo baadhista arrintan awgeed ugu yeedhay waxa uu u sheegay in xitaa koox uu ku jiray uu madaxweye Edgar amray in ay sannadkii 1993kii qarxiyaan masaajid, dad muslimiin ahna dilaan, “Dila tirada ugu badan ee muslimiin ah ee aad awooddaan” ayaa uu nagu amray ayuu yidhi Edgar.

Dhagar qabaha toobad keenay oo hadda 57 sano jir ah ayaa mar uu u warramayey guddi ka tirsan baarlamanka oo baadhis ku samaynaya sababta intii ka dambaysay bishii Lixaad ee sannadkan oo ah markii uu madaxweyne Rodrigo Duterte xilka qabtay ay u bateen dilalku, waxa uu sheegay in 25 ka sano ee uu gacanyaraha u ahaa Rodrigo Duterte dadka ay dileen qaarkood ay iyaga oo nool u dhigeen yaxaasyo, qaarkood ay naqaska ku dhejiyeen inta ay ka dhimanayeen, qaarkood ay gubeen ama waaxyaha qaar inta ay jareen ay ku aasi jireen dhul uu lahaa nin booliis ah oo kooxdan ka tirsanaa.

Edgar waxa uu sheegay in madaxweyne Rodrigo Duterte uu mar isagu gacantiisa ku dilay wasiir ka tirsanaa wasaaradda garsoorka, kaas oo inta ay cabbaar arrin ku murmeen kadibna inta uu cadhooday rasaastii baastooladdiisa ku faaruqiyey. Waxaa naxdin badan in dadka ay dilaan ay qaarkood maydadkooda ama xubnaha ay ka jaraan ku daadin jireen shaaracyada si ay cabsi ugu abuuraan dadka kale ee ka soo horjeeda madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa marar kala duwan deedifeeyey eedahan xanuunka badan, isaga oo sheegay in hadda iyo ka hor midna aanu falal dhagareed ku lug yeelan, waxa se hadalkiisan in la rumaysto caqabad ku noqotay hadallada hanjabaadda ah ee ka soo baxayey tan iyo markii uu ku guulaystay doorashada madaxtinimo ee dalka Filibiin bishii Shanaad ee sannadkan, isaga oo isla markiiba ku dhawaaqay in uu dili doono tobannaan kun oo ah dhagar-qabayaal iyo dadka ka ganacsada daroogada.

Rodrigo Duterte oo hadda 71 jir ah, ayaa intii uu xilka hayey waxaa la dilay 3’140 ruux, dadkaas oo badankooda ay dileen dad rayid ah oo la aaminsan yahay in ay ku dhiirradeen hadallada madaxweynaha ee mar kasta sheegaya dilka dadka, iyo ta ka sii daran oo ah hadalka uu madaxweynuhu dadka ugu sheegay in ay iyagu gacantooda cadaaladda ku fuliyaan.

Madaxweyne Rodrigo Duterte ayaa tan iyo intii xilka uu qabtay waxa uu ku celceliyaa hadallo madow geliyey xidhiidhka diblumaasiyadeed ee dalkiisu la’ leeyahay dunida, waxa aana ka mid ahaa hadalkii uu madaxweynaha Maraykanka Barak Obama ku tilmaamay in  uu yahay wiil ay dhashay gabadh jidhkeeda ka ganacsata, iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki Moon oo uu ku sheegay maangaab.