Fidel Castro: Geesigii Dhirbaaxada Kululaa! Mustafe Barud.. Wariye madax-banaan

0
681

Inkaste oo aanay diin, dhaqan, luuqad, deegaan iyo midab toona na kulmin aniga iyo oday Castro, hadana waxa sida dabarka isku kaaya haya, damiirka liddiga ku ah, in koox ka mid ah bulshada caalamku ay isku dhigaan in dhaqankooda, luuqadooda iyo fikirkoodu yahay mid caalami ah, dadka inta kalana yihiin kuwo muddan in la maamulo (Supremes).

1

Wixii ka danbeeyey 1648, soddon sano oo dirir ah ka dib, waa xiligii ay Europe ka soo jeedsatay dagaalkii sokeeye ee dhexdeeda iyo xifiltankii siyaasadeed, dhaqaale iyo dhaqan ee gudeheeda (Westphalia age), waxa ay aduunka u dhoofisay afkaarteedii ay ugu mudnayd fikirka dawladnimada (State and Sovereignty)) ee maanta aduunka sida ba'an looga adeegsado, iyada oo adeegsanasay awood iyo cudud, aduunkiina waxa uu noqday laba: Ninka cad iyo ninka midabka ah.

Fikirkan ayuu asalkiisu yahay in caqliga laga horeeysiiyo diimaha, dhaqanada iyo fidirada aadamaha (Abuurka saxa ah). Waxa intaa raaca, in maamulkaste oo reer Yurub ah lagu ixtiraamo inta uu haysto, loona aqoonsado mid xurmo mudan, una madax banaan arimaha gudihiisa, aduunka inta kalena la boobo, iyada oo daliil looga dhiganaayo faafinta dadnimada, ilbaxnimada iyo aqoonta casriga ah. Tani waa sababtii France, Britain, German, Italy, Portugal, Spain iyo Belgium ay caalamka intiisa kale uga dhigteen hanti ay iyagu leeyihiin uguna duuleen. Waxa ay adoonsadeen dadkii, waxa ay dhaceen xoolohoodii, waxa ay badaleen diimohoodii, afafkoodii iyo xuduudohoodii, kadibna waxa ay ka dhigeen maxmiyado ay ku tasarufaa laga cidhib ilaa cidhif iyo bad ilaa bad.

Tan ayaa keentay in afartii qarni ee ugu danbeeyey uu aduunku ahaado laba waji oo qudha. Qolo la guumaysto iyo kuwo wax guumaysta, qolo xoog badan iyo kuwo daciif ah, kuwo qani ah iyo kuwo sabool ah, kuwo horumaray iyo kuwo dib u dhacay ama qaacidada caamka ah ee (20/80), labaatan ku nool sideetan hantida caalamka.

Fidel Castro tan ayuu hor istaagay, kuna mutaystay cadaawadiisii nusqarniga taxnayd, isaga oo ku guulaystay in uu dalkiisa yar iyo dadkiisa 11 million ah, ka dhigo kuwo isku filan, isku kalsoon, oo caalamka u dhoofiya dhakhaatiir, kana madax banaan guumaystaha iyo noocyadiisa (Colonialization, Imperialism, New-imperialism and Globalization).

Fidel Castro, geesi ka baxay Laatiin Ameerika, Afrika iyo dunida miskaha yar ee aduunka saddexaad, waxa uu kaligii la soo qaatay madax badan oo isku liddi ah, waxa uu ku caan baxay taageerada kuwa dulman iyo dirirta kuwa daalimiinta ah. Waxa u baal dahab ah, kaga jiraa kaalintii uu ka qaatay dagaalkii maamulkii cadaanka ahaa ee South Afrika, Dagaalkii siyaasad ahaa ee Siyaasad Bare ku qaatay Itoobiya 1977, iyo askartiisii uu dirir jirtay, xornimo doonkii qaarada Latin Amerika.

Castro: halyey ka baxay qaarada Latin America iyo dunida ku liddiga ah ninka cad!

Mustafe Baroud.. Wariye madax-banaan.

Mustafebarud04@gmial.com