Casharrada Nolosha (1): Inta Aanad Qofka Kalsoonida Kala Noqon, Hubi In Uu Run Yahay Waxa Aad Is Moodsiisay Ee Aad Dartii Ku Xukumaysaa

0
701

Hargeysa (Geeska)- Habeen habeennada ka mid ah ayaa gabadh safar u diyaar ahi ay muddo saacado ah fadhiday gegida diyaaradaha oo ay ku sugayso waqtiga ay diyaaradda fuulayso. Meherad ku taallay garoonka ayaa ay ka iibsatay buug ay akhrido iyo bac xalwad iyo macmacaan kale ah oo damacsanayd in ay nafta ku maweeliso. Xilli ay akhriskii buugga aad ugu mashquulsan tahay, ayaa waxa ay si kedis ah u dareentay gabadh dhalinyaro ah oo dhinaceeda soo fadhiisatay, kadibna badh ka goosatay xalwad taallay meel u dhexeysa labadooda. Gabadhii waxaa markiiba niyaddeeda ku soo dhacay in xalwaddii ay iibsatay ay dhinaceeda dhigatay.

Gabadhii waxa ay go’aansatay in ay iska indho tirto inanta goosatay xalwaddeeda oo aanay la hadlin, laakiiin waxa aad ugu adkaa in ay u adkaysato, gaar ahaan markii ay aragtay gabadhii dhalinyarada ahayd oo si caadiya isaga sii cunaysa xalwaddeedii. Iyadda oo aanay kamaba qasnay ayaa ay inantii iska sii wadatay cunistii xalwadda, gabadhanina kolba ku eegaysay indho haddii ay hadli lahaayeen odhan lahaa, “Waa aad akhlaaq xuntahay ee jooji cuntada aad xadayso” laakiin ay is xakamaynayso iyada oo sharafteeda uga baqday in dadku kula yaabaan sababta iyada oo mutacallimad ah ay goob sidan oo kale ah ugu dagaallantay gobal xalwad ah oo laga cunay awgii.

Inantii xalwaddii badankeedii waa ay cuntay intii u dambaysay ayaa inta ay kor u qaadday oo ay laba wasladood u kala jartay ay iyada oo dhoolla caddaynaysa gabadhii siisay qayb ahaan, tii kalana cuntay. “Idho adakaa, oo akhlaaq daranaa, xitaa mahadsanid iguma ay odhan” ayaa ay hoos isu lahayd gabadhu, laakiin waa ay qaadatay gobalkii.

Muddo yar kadib ayaa sameecada garoonka lagaga dhawaaqay in rakaabku u soo kacaan fuulidda diyaaradda, gabadhii inta ay kacday ayaa ay xamaamteedii urursatay, waxa aanay tagtay kadinkii diyaaradda, iyada oo kursigii ay fadhiday kaga tagtay inantii xalwaddeeda cuntay oo iska sii fadhiday. Laakiin markii ay diyaaraddii fuushay ee si fiican inta ay u fadhiisatay damacday in ay buuggii ay akhriyeysay ku ridato shandadda, ayaa waxaa mar keliya ka nixiyey aragtida kiishkii xalwadda ahaa ee ay iibsatay oo shandaddeeda ugu jira. Waxaa ay dareentay, in xalwaddeeda markii ay iibsatayba shandadda ku soo ridatay, markii dambana buugga isku illowday oo aanay cuninba, inanta hareer fadhiday xalwadda ay cunaysayna ahayd xalwad ay iyadu sidatay, oo weliba aakhirkii ay badh siisay.

Inantii waxa ay dib isu weydiisay, inta jeer ee nolosheenna shay aynu si kalsooni leh isugu qancinnay uu noqon waayey sidii aynu u haysannay ama ku go’aan qaadannay, oo goor dambe ogaannay in kalsoonidii aynu ku qabnay aanay run ahayn. Imisa ayaa ay dhacday in aynu luminno kalsoonida aynu dadka kale ku qabnay, oo aynu ku dhegnay fikirkeenna  oo si cadaalad darro ah oo aan xaq ahayn aynu xukun uun ku ridnay, sababtuna tahay uun fikirka beenta ah ee maskaxdeenna ka yimid.

Arrintani waa ay ina baraysaa sida ay u wanaagsan tahay in qofku uu laba jeer fikiro ka hor inta aanu ruux kale go’aan ka qaadan ama male uu is moodsiiyey ku xukumin. Waa in aynu qofka siino fursad, ka hor inta aynaan innaga oo aan waxba hubinin isagana waxba weydiinin xukun qaldan ku ridin.