Madaxweyne Donald Trump Oo Raalli Gelin Siiyey Nin Taageerayaashiisa Ka Mid Ah Oo Uu Buurni Ku Caayey

0
706

Washington (Geeska)- Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa taleefanka kala hadlay nin uu meel fagaare ah ku yasay, isaga oo ku caayaya miisaankiisa oo saayid ahaa. Kaddib markii uu mooday in uu ka mid yahay dad doonayey in ay buuq ku abuuraan mid ka mid ah isu soo baxyada uu Donald Trump uu ugu ol’olaynayo dib u soo doorashadiisa madaxtinimada oo ka qabsoomay magaalada New Hampshire.

Madaxweyne Trump ayaa dib ka ogaaday in ninka uu caayey uu ka mid ahaa taageerashiisa, kaddib goor dambe oo habeennimadii ah ayaa xilli uu diyaaradda madaxtooyada saaran yahay waxa uu taleefanka kala hadlay ninkan, laakiin taleefanka kama uu qaban, taas oo sababtay in uu u dhaafo farriin cod ah.

Ninkan oo lagu magacaabo Frank Dawson ciidamada hawlgabka ah ee Maraykanka, waxa aanu ka mid yahay kooxaha sida aadka ah ula dhacsan siyaasadaha madaxweyne Trump, gar ahaan kuwa ku waajahan soo-galayti nacaybku.

Frank Dawson oo waraysi siiyey talefishanka FOX News ayaa qiray in uu ka mid yahay taageerayaasha madaxweyne Trump, isaga oo ka warramaya sida ay ku timi cayda madaxweyne Trump waxa uu sheegay in dadkii hareera fadhiyey ee khudbadda la dhegeysanayey ay ka mid ahaayeen koox madaxweynaha ku mucaarad ah oo sitay boodhadh ay madaxweynaha ku dhaliilayaan, isla markaana doonayey in ay rabshaan isu soo baxa. Waxa uu sheegay in dadka boodhadhka sitay oo saddex qof ahaa uu dhammaantood ka jeexjeexay, laakiin aanay cidi dareemin maadaama oo khudbadda lagu jeeday. Madaxweynaha oo arkay boodhadhka qaar ka mid ah iyo buuqa ayaa ay ishiisu ku dhacday Frank Dawson, kaddib waxa uu u qaatay in qofka rabshadda kiciyey uu isaga yahay. kaddib waxa uu Trump yidhi, “Ninkan waxa haysata dhibaato khatar ah oo buurnida ah.. waar orod gurigii tag oo jimicsi bilow” Trump intaas kuma joogsan ee waa uu sii waday hadalkii isaga oo inta uu khudbaddii joojiyey ninkii farta ku fiiqaya waxa aanu yidhi, “Fadlan, meesha iskaga tag, dhibaato aniga iga weyn ayaa ku haysata, dhibaato dhammaan dadkan meesha jooga ka weyn ayaa kuu taalla” Haddana inta uu dadkii ku jeestay ayaa uu Trump yidhi, “Imika gurigii buu tegi doonaa, markaasay hooyadii ku odhan doontaa, waar maxaad soo qabatay?”

Ninkan uu Trump caayey waxa uu sheegay in uu aqbalay raalligelinta madaxweynaha, isla markaana aanay arrintaas uu madaxweynuhu kula kacay waxba ka beddeli doonin aragtidii taageerada ahayd ee uu madaxweyne Trump ka qabay. “Ninkan anigu waa aan jecelahay, waa wixii ugu wanaagsanaa ee abid dalkanba soo mara” ayaa uu yidhi Frank Dawson.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here