Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Oo Ka Hadashay Socdaalkii Uu Madaxweyne Biixi Ku Tagay Dalka Djibouti Iyo Kulankii Uu La Yeeshay Ismaaciil Cumar Geelle

0
1147

Hargeysa(Geeska)-Wasaaradda arrimaha dibadda ee Itoobiya ayaa si kooban uga hadashay socdaalkii uu Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi toddobaadkan ku tagay dalka Djibouti iyo kulankii uu la yeeshay Madaxweynaah dalkaas Ismaaciil Cumar Geele.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, ayaa toddobaad kasta waxay soo saartaa warbixin toddobaale ah oo ay ku falanqayso xaaladaha gobalka Geeska Afrika, waxaanay warbixinteeda toddobaadkan oo jimcihii shalay soo baxday ku jiray socdaalka Madaxweyne ee Djibouti. Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya waxay sheegtay in socdaalka Madaxweyne Biixi ee Djibouti uu yimid, ka dib markii wax ka yar laba toddobaad uu dalkaas Djibouti isna tagay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Qoraalka Itoobiya oo uu Geeska Afrika soo turjumay wuxuu u dhignaa sidan   “Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa la kulmay Salaasadii (13 september) hoggaamiyaha Somaliland Muusa Biixi iyo weftigiisa oo booqanaya. Labada dhinac waxay ka wada hadleen qodobo dhawr ah oo ah danaha labada dhinac oo ay ku jiraan dhaqaalaha, saxaafadda, iskaashiga ganacsiga ee u dhaxeeya  Djibouti iyo Somaliland. Socdaalkani wuxuu ahaa kii labaad ee uu Muuse Biixi ku tago Djibouti, waxaanu yimid wax ka yar laba toddobaad uun markii uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi  uu wada hadalo laba geesood ah la yeeshay Madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geele.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here