Qoyska Mo Faarax Oo Tuulo Somaliland Ku Taala Wiilkooda Ka Hambalyeeyay

0
509

 

2012MoFarahPA060812'Markuu guulaystay, waan dabaaldegay, waxaanan dadkii u qeybiyey Qaad iyo hilib,' ayuu yidhi Mo walaalkiisa weyn Faysal.

 

Jariiradda The Guardian ee ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska, ayaa warbixin ka qortay qoyska ciyaaryahanka asal ahaan ka soo jeeda Somaliland balse dhalasho Ingiriis ah haysta Mr. Mo Faarax, oo dhawaan ku guulaystay tartanka orodka ee 10,000 ee mitir.

Warbixintaas, oo uu qoray weriye David Smith oo ka tirsan jariirada The Guardian maalmo ka horna booqday qoyskan uu ka soo orodyahankaas caanka ah, ayaa wuxuu warbixintiisa ku bilaabay

“Aqal buul ah ayaa ugu yaalay miyiga, meel waddada gawaadhida ka fog. Sabtidii, Faysal waxuu u soo lugeeyaa afar kilo mitir Wajaale, tuulada ugu dhow ee laydh leh, si uga daawado orodka walaalkii Mo u galay biladiisa labaad ee ciyaaraha Olmpic.” Sidaa waxa lagu bilaabay maqaal laga qoray Mo Farah.

Maqaal dheer oo jariidada Guardian ka qortay qoyska Mo Farah, ayaa raacisay, Hooyadii Amran, oo weli jooga miyiga Somaliland, inkastoo Mo dibeda ku guulaystay, ayay kala socota taageerayaasha TV-ga, markuu 10,000 mitir ordayey wiigii hore. "Markuu guulaystay, waxaan u qarxay sida miinada," ayuu yidhi Faysal oo ah walaalkii oo ah  beeralay, 37 jir ah, oo sideed sannadood ka weyn Mo. "Sidii wax waalan ayaan wadooyinka cararay.”, waxaanu raaciyay "Dad badan ayaa ku farxay. Waan u dabaaldegay waxaanan dadkii u qeybiyey hadyado qaad iyo hilib ah."

Mo ayaa ah inankii afaraad sideed walaal ah, sida faysal sheegay, oo curadkii ah, kuna nool deegaan 40 kilo mitir u jirta Hargeysa oo ka tirsan deegaanka Gabiley.

Faisal, ayaa u lugeeya wajaale mar kastoo uu telefoonkiisa gacanta soo dabaynayo,  "Mo mar walba waxuu jeclaa ciyaaraha, kubada cagta iyo orodada," ayuu yidhi. "Weligii laamiyada ayuu carari jiray yaraantiisii, waxaanu ahaa nin faraxsan mar walba."

Inkastoo Faysal xaga da’da kaga nasiib wacnaa, Mo ayaa kaga dheereeyn jiray xaga orodka. "Waanu wada ciyaari jirnay, waanu wada lugayn jiray. Waxaan wada ciyaari jiray kubada cagta, marmarna waan wada ordi jirnay, laakiin, wuu iga dheerayn jiray. Waxuu ahaa miig."

Isagoo daawanayey Olympic London, ayuu sheegay inaanu wax cadho ah u qabin, "waxay la mid tahay anigoo ordayey, markaa wax cadho ah uma qabo."

Aabahood ayaa ahaa ganacsade, reerkuna waxuu ku noolaa nolol caadi ah, iyagoo ku jiray guri dhagax ah, laakiin, dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay ayaa, "Muqdisho qof walba waxuu noqday maleeshiyo," ayuu Faysal sheegay.

"Dadkii jaarkayaga aha way dhinteen ama dhaawacmeen, maxaa yeelay sidayada ayey Somaliland ka yimaadeen. Waan xusuustaa dhawaaqa xabadaha iyo qaraxyada, inta badan annaga nagu jihaysnaa. Ma jeclaysto markaan dib u xusuusto, waxaan isku deyaa inaan is ilowsiiyo."

Reerkayagu markii hore waxuu u soo guuray Somaliland, laakiin xaaladuha oo xumaa, "Waxaan ahayn qaxooti, waanu ka nimid ganacsigayagii iyo lacagtayadii, waxaanu ahayn foqoro, ku nool buul yar. Nasiib wanaag Mo waxuu ahaa inan caafimaad qaba."

Ka dib waxay galeen Jabuuti, halkaas oo Mo aabahii ku laabtay London, halkaa oo Mo ku barbaaray. "Mo wxauu helay nolol wanaagsan, laakiin anigu ma doonayo inaan ku deydo, dhabtii waan u xiisay walaalkay, laakiin mar walba waxaan ku wada xidhiidhnaa telefoonka maalin iyo habeen. Waxuu igu yidhi, 'Hadaad bilowdid tababar, laga yaabe inaad soo gaadho Olympic maalin’ markuu soo laabto sannad walba sheekooyin badan ayaan wadaagnaa."

Way adag tahay in qoysku laba meelood ku kala noolaadaan, ayuu Faysal sheegay,  "Laakiin, hooyaday ma doonayso inay dibedda tagto, ma jecla magaalada.  "

Faysal iyo dadka kale midkoodna mushkilad kuma hayaan calanka uu Mo sito ee dalka Ingiriiska, isagoo raaciyey, "Waa Soomali, calan kastoo uu qaato, waana walaakay. Wuu qaadan karaa laba dhalasho. Haduu ku ordi lahaa calanka Somaliland way fiicnaan lahayd, laakiin maadama uu haysto dhalasho Ingiriis."

Somaliland oo xornimadeeda la soo noqotay 1991, laakiin aan weli la aqoonsan, ayuu Faysal sheegay in isaga iyo Mo oo labaduba ku dhashay Muqdisho, haddana weli Somaliland u arkaan dalkooda.