Madaxweynaha Yemen Oo Uu Dhaawac Culusi Gaadhay Iyo Hadal Uu Xalay Jeediyay

0
787

 

Ali_Abdullah_Saleh_2004Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha dalka Yemen Cali Cabdalle Saalax, ayaa la sheegay inuu soo gaadhay dhaawac culusi, ka dib markii uu masaajidka madaxtooyada oo uu ku tukunayay uu jimcihii shalay ku dhacay madfac mucaaradka lagu eedeeyay.

Masuuliyiinta dawladda Yemen ayaa sheegay inaanu dhaawac culusi soo gaadhin Madaxweynaha, lana hadli doono umadda, laakiin taasi ma dhicin. Madaxweyne Saalax goor dambe oo xalay cawayskii ahayd ayuu Telefishanka u soo diray cajalad cod ah oo aan wax muuqaal ah lahayn, taas oo sii xoojisay in dhaawaciisu culus yahay cisbitaalna la dhigay.

Codkiisu ma ahayn sidii looga bartay, waxaana maqalka cajalada laga dareemayay isagoo aad u neef tuuraya. “Waan fiicanahay caafimaadkayguna waa taam.” Ayuu ku yidhi Madaxweynuhu cajaladaas, waxaanu eedeeyay kooxaha mucaaradka oo uu ku tilmaamay qas wadayaal. Waxa la sheegayaa inuu Madaxweynuhu dhaawac ka qabo madaxa, Raysalwasaaraha ayaa isna la sheegay inuu wejiga ka gubtay, halka raysalwasaare kuxigeenkuana uu si xun u dhaawacmay. guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa isna ku jira dadka dhaawacmay.

 

Waxa la sheegayaa inay madfacan ku geeriyoodeen ugu yaraan 7 ruux oo kale oo la sheegay inay qaarkood askar yihiin, Xoghayaha guud ee xisbiga talada haya ee dalkaas Yemen ayaa weerarkan ku eedeeyay qabiilka Axmarka oo maleeshiyaad ka soo jeedaa ay maalmihii u dambeeyay si adag ula dagaalamayeen ciidamada dawladda. Dawladda Maraykanka ayaa iyaduna weerarkan cambaaraysay.