Shir Lagu Shaaciyay Guddi Midaysa Goobaha Waxbarasho Ee Dadka La Hayb Sooco

0
960

 

DSC08962Hargeysa (Geeska) Shir ku saabsan sidii loo midayn lahaa goobaha waxbarasho ee gobolada Maroodijeex, Saaxil iyo Todheer ayaa shalay galab lagu qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo ka soo qayb galeen masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, wasiirka diinta iyo aw-qaafta Sh Khaliif Cabdilaahi Axmed, Sh Maxamed Aadan Gadhle, Sh Maxamed Sh Cumar Dirir, Salaadiin, boqor iyo marti sharaf kale.

Ujeedada kulankaas ayaa ahayd sidii loo midayn laha guddina loogu dhisi lahaa goobaha waxbarasho ee beelaha la hayb sooco, waxaana guddigaas loogu magac daray guddiga furqaan ee hanuuninta dadka la hayb sooco, waxaana gudoomiyhe u ah Sh Maxamed Muuse Nuur (Abu Suufiyaan) halka gudoomiye ku xigeena uu ka yahay Dayib Cawil Jaamac.

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha guddigaas Sh Abu Suufiyaan mar uu ka hadlaayey baahiyaha loo aas aasay guddigan ayaa waxa uu yidhi “Markaanu aragnay baahida guud ee loo qaabo dacwadda iyo faafitaankeeda waxaa nagu dhalatay in xidhiidh iyo is dhex gal aan laga maarmayn, runtii guddiga la magac baxday al furqaan ee adacwa, hadafkeeda koowaad waxa weeyaan in marka hore illaahay lagu xidho dadka xaga diinta, hadafkaas oo ay ka farcamayaan in dadka dacwada sheegta sidii xidhiidh looga dhaxaynsiin lahaa. Waxaa kale oo ujeedooyinkeeda ka mida in madarasadaha gobolada kale la isku xidho, tayadoodana kor loo qaado, waxaa kale oo ka mida hawlaha guddigan sidii loo wacyi gelin lahaa dadka oo diinta islaamka loo wada gaadhsiin lahaa, gaar ahaana dadka aanu anagu nidhi dadka ay dantu ka wada dhaxayso, hase ahaatee ka cawda hayb sooco inay guddigu xooga saarto sidii ay kor ugu qaadi laahaayeen aqoontooda iyo xirfadooda”

 

Sida uu sheegay Sh Abu Suufiyaan guddiga ayaa ka kala socday saddexda gobo lee Maroodijeex, Togdheer iyo Saaxil, waxaanu yidhi mar kale “Waxaan odhan lahaa guddiga bari iyo galbeed joogta waa inaad ku garab istaagtaan dadaalkooda ay ugu jireen faafinta diinta iyo aqoonta lagama maar maanka ah, in badan ayaa la lahaa dadka la hayb soocaa wadaado ma leh, laakin waxaan rajaynayaa in aynu safka hore ka geli doono hogaaminta diinta ee dalka iyo siyaasadaba insha allah. Dadka ka cabanayaa hayb sooco waxaan leeyahay dalka iyo dadkuba wax badan ayuu ka talaabsaday ee waxaan jeclahay in aynaan ka hadhin jiilka aynu la kacayno oo aynu wax la qaysano”

 

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay oo munaasibad lagu daah furay guddigaas ka soo qayb galay Sh Maxamed Aadan Gadhle oo ka tirsan culimada waaweyn ee dalka Somaliland, waxaanu u soo jeediyey dhalinyarta ku bahawday guddigaas sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen hamigooda iyo yoolka ay higsanayaa. Sh Maxamed oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in wax lagu tartamo ay ugu fiican tahay khayrka Alle Swt.

 

Sidoo kale waxaa ins halkaas ka hadlay gudoomiyaha Akadamiyada horumarinta waxbarashada dadka la hayb sooco Barkhad Jaamac Xirsi , waxaanu ku dheeraaday sidoo loo dabar goyn lahaa wax uu ku sheegay calaan calka ka dhex taagan bulshada la hayb sooco, isaga oo intaas ku daray in meel looga soo wada jeesto sidii loo bedeli lahaa xirfada aqooneed iyo diinteed, isla markaana loo qaadan lahaa qalinka oo tartan muuqda lala gali lahaa bulshada inteeda kale, kuwaas oo dhamaan u siman sida uu sheegay gudoomiye barkhad dadka iyo dalka.

Sh Maxamed Sh Cumar Dirir oo ka mid ahaa culimadii goob jooga ka haday shirka ay shalay isugu yimaadeen guddiga Firqoon ee lagu mideeyey saddexda gobol ee Maroodijeex, Saaxil iyo Togdheer, waxaau ku amaanay guud ahaan guddiga hawshaas soo qaban qaabisay sidii loo xoojin lahaa la dagaalanka jahliga loona horumarin lahaa dadka iyo dalka. Isla markaana guddiga horumarkeeda loogu dudbin lahaa qaybaha kale ee bulshada, kuwaas oo uu sheegay Sh Dirir in ay wax badan la qaban doonaan xag dhaqaale iyo xag talo wanaag.

 

Meel wanaagsan ayaad ka wadaane, taayirku sidiisaas ha u socdo xigmadaysan ee degan ee uu hanka weyni ku jiro, waanay iska dhamaan doontaa oo waxaa laga yaabay maalin ka mida maalmaha in madaxweynaasha wadanka, tijaarta iyo culima awdiinka aad ka mid noqotaan, taariikhda aduunku saddexdii boqol ee sano mar ayey is badashaa oo sidaas la ahaan maayo, illahayna ha idinka abaal mariyo khayrkaas aad wadaan”

 

Ugu danbayntii waxaa shirkaas soo xidhay wasiirka diinta iyo aw-qaafta Somaliland Sh Khaliil Cabdilaahi Axmed, waxaanu ku dheeraaday sida xukumad ahaan ay uga go’antay sidii loo heli lahaa sinaan iyo cadaalada helitaan keedu, waxaanu intaas ku daray in hiil iyo hooba ay la garab taagan yihiin guddigan iyo cid kasta oo ka shaqaynaysa wanaaga, waxaanu wasiirku baaq u diray cid kastoo ka tirsan beelaha la hayb sooco, isaga oo ugu baaqay in la garab istaago horumarka ka socda guddah dalka ee ay muujiyeen, waxaana ka mid ahaa hadalkiisii

 

Runtii shirkan aynu maanta isugu nimi waa mid aanu ka marag kici doono , xukukmad ahaan waxaanu diyaar u nahay in aanu wixii karaan kayga ah idinla qabano oo aanu isla kiin garab taagno insha allah Xukumad ahaan balan ayaanu qaadnay oo waxaanu nidhi iyaga si gaara haloo eego, taasi way ka go’antahay xukumada hada jirta, waxaanay soo dhawaynaysaa xaga aqoonta iyo horumarka beesha insha allah”

 

Wasiirka Khaliil oo hadalkiisa sii wata ayaa fariin u diray guud ahaan bulshada ku nool aduunka ee ka soo jeeda beeshaas, waxaanu yidhi mar kale “waxaan baaq u dirayaa walaalaha dibada iyo kuwa guddaha jooga, waxaanan leeyahay waar maanta way dhaqaaqday beeshi oo way shaqaysanaysaaye ee ha xagal daacinina ee wax la qaybsada, taas ayaan iga dar daarana”