Madaxweynaha Venezuele Iyo Maradona Oo Si Adag U Naqdiyey Xukunkii Qaniinyada Ee Ciyaaryahan Suarez

0
713

01 Caracas (Geeska)- Madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro ayaa si aad u kulul u cambaareeyey xukunkii dhowaan uu xidhiidhka kubadda cagta adduunka ee FIFA ku riday weerar-yahanka naadiga Barcelona iyo xulka Qaranka Uruguay Luis Suarez. Guddida anshax-marinta ciyaartoyga ee FIFA ayaa Suarez ku heshay dembi ah in uu qaniinay ciyaaryahanka Talyaaniga ee Chiellini mar ay ciyaar iskaga hor yimaaddeen xulalka Uruguay iyo Talyaanigu intii uu socday koobka adduunka ee Brazil 2014, waxa aanay ku ridday xukun ciqaabeed ah in muddo afar bilood ah aanu ku lug yeelan karin wax ciyaar ah ama xataa aanu fadhiisan karin garoomada kubadda cagta lagu ciyaaro, xataa daawasho iyo indho indhayna u tegi karin.

In kasta oo uu Luiws Suarez qirtay in uu qaniinay ciyaaryahanka Giorgio haddana dad badan ayaa markiiba ka qayliyey xukunkaas oo ay ku tilmaameen in uu aad ugu badan yahay dembiga loo haysto Suarez, dadka sida aadka ah uga cadhoodayna waxaa ka mid ah, madaxweynaha dalka Venezuela Maduro oo ku dooday in xukunkaasi aargoosi si gaar ah ay guddida xukunka soo saartay ugu adeegaysay dalalka reer Yurub. Madaxweyne Maduro oo tixraacayey guushii ay Uruguay ciyaraha adduunka kaga reebtay England iyo Talyaaniga ayaa ereyada uu isticmaalay ee doodad aadka u adag dhaliyey waxaa ka mid ah, “Ma saamixi karaan Uruguay… Ma aqbali karaan in inan yar oo miskiin ah oo reer Uruguay ahi uu ciyaaraha koobka adduunka dibadda ka dhigo qaramo waaweyn. Si ay uga aarg02oostaan ayaanay soo allifeen kiiskan”

Diego Armando oo waqtigiisii ahaa ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee soo maray dalka Argentina iyo ciyaaraha dunida ayaa isna si cadho leh uga jawaabay xukunkan oo uu u arkayo in uu yahay mid culus oo si aad ah loogu talax tegey, waxaana hadallada Maradona ka mid ahaa, “Ma naf buu dilay Suarez? Waxani waa ciyaar, waa xidhiidh dhow… waxa u hadhay uun in ay gacmaha ka xidhaan oo ay toos ugu qaadaan xabsiga Guantanamo”

11kii Bisha Toddobaad 2014ka ayaa kooxda Barcelona ay ku dhawaaqday in kooxdu ay Suarez la gashay heshiis ciyaareed shan sano ah oo lacagtiisu gaadhayso Hal Milyan oo doolarka Maraykanka ah, kaas oo ciyaaryahankan u dhashay dalka Uruguay ku daraysa ciyaartoyga ugu lacagta qaalisan taariikhda kubadda cagta oo dhan. Maamulka Barcelona waxa ay caddaysay in Luis Suarez uu kooxda u xidhan doono garanka lambarka 9aad sita oo uu kaga qayb geli doono xilli ciyaareedka 2014ka-15, laakiin waxaa jirta in aanu ciyaaryahanku ka qayb geli doonin ciyaaraha bilowgooda hore oo ku beegan muddada uu ku jiro xukunkan FIFA ku ridday.

20kii Bishii Kow iyo Tobnaad 2010ka, ayaa uu Suarez sidan oo kale u qaniinay Otman Bakkal oo weerarka-dhexda oo u dhashay dalak Netherlands asal ahaana ka soo jeeda dalka Marooko. Suarez ayaa Cusmaan Bakkaal ka qaniinay garabka, waxaana markaas lagu ciqaabay ganaax lacageed oo aan la sheegin iyo in uu laba ciyaarood ka fadhiyo.