Garaaca Wadnaha Oo Kordha Iyo Gacmo-Dhididku Waxa Ay Ka Mid Yihiin Calaamadaha Jacaylka Lagu Garto

0
989

Picture10Washington (Geeska)- Khubaro Maraykan ah oo ku xeel-dheer cilmiga bulshada ayaa daraasad dheer oo ay sameeyeen ku gaadhay natiijo dad badani maadays u arkeen kuwo kalana ku beertay shaki in uu caashaq hayo, taas oo ah in baabacooyinka oo laga dhidido iyo wadnaha oo kordhiya garaacu ay yihiin calaamado muujinaya jacayl.

Waxa ay khubaradani sheegeen in sababta ugu weyn ee tan keentaa ay tahay, jacaylka oo marka uu qofka haleelo keena in jidhkiisu uu soo saaro maaddooyin kiimikaad oo sababa dhididka baabacooyinka gacmaha iyo garaaca wadnaha oo khal-khala. Xeel-dheerayaasha cilmi-baadhistan sameeyey waxa ay ka tirsan yihiin kulliyad lagu magacaabo nidaamka caafimaad ee jacaylka oo ka tirsan jaamacadda gobolka Illinois, waxaana xubin ka ahayd Drs Rinsho oo mar ay ka hadashay natiijadan tidhi, "Jacaylku marka uu innagu dhaco, waxa uu keenaa in jidhkeenu soo saaro duufaanno maaddooyin kiimikaad ah oo qofka geliya dareen macaansi leh, jawaab celintuna waxa ay noqotaa dhidid u badan dhafoorrada iyo baabacooyinka gacmaha oo iyaga uu si gaar ah ug ubato dhididkaasi. Iyo garaaca wadnaha oo aad kor uga kaca heerkiisa dabiiciga ah.

Waxa ay cilmibaadhistani muujisay in lammaanaha is jecel ay jidhkooda ku bataan maaddooyinka Dopamine iyo Adrenaline; Maadadda Dopamine waxa ay jidhka ku beertaa dareen farxadeed iyo rajo wanaag, halka maadadda Adrenaline ay masuul ka tahay garaaca wadnaha, taasina sababto in marka ay badato uu garaacu kordho ama khal-khal galo. Sidoo kale maaddooyinkani waxa ay qofka ku keenaan mashquul badan. Sida ay daraasaddan iyo daraasado kale oo badaniba tilmaameenna jacaylku waxa uu firfircooni ku beeraan maskaxda qaybteeda qaabilsan farxadda iyo badhaadhaha.

Cilmi-baadhistan oo doodo xiiso badan dhalisay waxa ay tilmaamtay in marka uu qofku ku dhaco badweynta jacaylka, uu kor u kaco (Bato) dhiigga ku burqanaya qaybaha maskaxda iyo hareeraheeda. Gaar ahaan qaybteeda marka ay shaqayso keenta in qofku balwadda uu leeyahay la qabsado ama sababta waxa aynu ugu yeedhno la qabsiga ee balwadaha kala duwan lagu arko. Arrintani waxa ay keentaa in qofku uu galo xaalad iyo walaac iyo walbahaar badan ku keena. Drs. Rinsho oo hadalkeedii sii wadata ayaa arrintan qudheedana soo qaadday, "Jacaylku waxa uu yareeyaa heerka hormoonka Serotonin, taas oo laga yaabo in uu sabab u yahay in lammaanuhu bilowga xidhiidhkooda aanu dhex marin khilaaf ama si fudud ay u xallin karaan.. halku dhegga ah Jacaylku wuu indho la' yahay waxa uu ku dhisan yahay aragti sax ah waayo dareenka kiimikaad ee jidhkeenna ku yimaadda marka uu jacaylku ina hayo ayaa keena in qofka aynu jecel nahay aynu ka dhigno xiddig la hiigsado, waxaana inoo muuqda keliya wanaaggiisa”.