Dawladda Somaliland Oo Sheegtay In Raysalwasaaraha Itoobiya Amar Ku Bixiyay In Deg Deg Loo Furo Xuduudka Labada Wadan Ee Xidhan

0
685

Picture7Hargeysa(Geeska)-Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa ka hadlay kulan Addis Ababa ku dhex maray Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn. Kulankaas oo ka dhacay xafiiska Raysalwasaaraha Itoobiya, ayaa afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Siciid Cali Muuse, wuxuu warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inay labada masuul yeesheen kulan muhiim ah oo lagu falanqeeyay arrimaha amniga, ganacsiga wada hadalada Somaliland iyo Somaliya iyo arrimo kale “Inta badan ee kulanka waxa lagaga hadlay xuduudka xidhan, waxaanu raysalwasaaraha Itoobiya xaqiijiyay inuu awaamiir cad cad ka bixiyay in si dhaqso ah dib loogu furo xuduudka.” Sidaas ayuu afhayeenka wasaaradda khaarajiga Somaliland ku yidhi warsaxaafadeedkiisa, waxaanu intaas raaciyay inay Madaxweynaha iyo raysalwasaaruhu isku raaceen in la sii wado wada hadalada ku saabsan horumarinta dekedda Berbera, waxaanu Madaxweyne Siilaanyo soo jeediyay inay guddiyada wasiirada ah ee labada wadan ay kulamadooda ku saabsan arrimaha ganacsiga bilaabaan bisha Ramadaan ka dib.

Afhayeenku wuxuu sheegay inay labada hoggaamiye isku raaceen sii xoojinta iskaashiga labada wadan oo uu amnigu ugu horeeyo.

Wakaaladda wararka ee Itoobiya ayaa iyaduna ka hadashay kulankaas. Agaasimaha wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya u qaabilsan Afrika Mr. Solomon Abebe, ayaa sheegay  in kulanka lagaga wada hadlay sii xoojinta xidhiidhka dhinacyada badan ee u dhexeeya labada wadan. “Somaliland waxay sheegtay inay doonayso inay sii xoojiso xidhiidhka ay Itoobiya kala leedahay amniga, ganacsiga, maalgashiga, tacliinta iyo dhaqanka.” Sidaas ayay wakaaladda wararka ee Itoobiya baahisay. “Madaxweynaha Somaliland wuxuu sheegay in dalkiisu uu doonayo inuu kor u qaado xidhiidhka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Itoobiya oo uu gaadhsiiyo meel sare oo cusub.” Sidaas ayay tidhi warbixinta ay wakaalada wararka Itoobiya baahisay.