Madaxweynaha Somaliya Oo Magacaabay Raysalwasaare Cusub

0
662

 

raMuqdisho(Geeska)-Madaxweynaha dalka Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shalay magacaabay raysalwasaarihii soo dhisi lahaa xukuumadda cusub, waxaanu noqday Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

 

Ninkan cusub ee uu Madaxweynuhu magacaabay ayaa noqonaya masuul ku cusub saaxadda siyaasadda sida Madaxweynaha oo kale, waxaanu dhalasho ahaan ka soo jeeda Beesha Marexan.

Mr. Shirdoon, wuxuu dhashay sannadkii 1958, waxaanu ganacsi ku leeyahay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya, shirkadiisa ganacsina waxa la yidhaahdaa Shirdon International Ltd oo ah shirkad ganacsi oo uu agaasimaha fulinta ka yahay, waxaanu qabaa haweenay ka mid ah Baarlamaanka Somaliya oo lagu magacaabo Caasha Xaaji Cilmi oo ay isu leeyihiin afar carruur ah. Laakiin sida ku cad CV-giisa ma soo qaban xil siyaasadeed, waxaanu ku dhex jiray arrimaha bulshada, bishii March ee sannadkana waxa loo doortay guddoomiyaha ururka RAJO oo ah urur ay samaysteen aqoonyahano iyo siyaasiyiin Somali ahi.

Ninkan waxa laga sugayaa inuu soo dhiso xukuumad cusub oo kalsooni ka raadsan doonta Baarlamaanka, waxaanu Raysalwasaare ka noqonayaa dal dhaqaalihiisa iyo nabadgelyadiisuba ay aad u liitaan.