Ardayda Dugsiyga Dhexe Ka Baxday Oo Mudaharaad Ka Sameeyay Gabiley

0
558

 

mudaharadaGabiley(Geeska)-Ardaydii sannadkan ka baxday fasalada 8aad ee dugsiyga magaalada Gabiley, ayaa shalay dibad bax balaadhan ka sameeyay gudaha magaalada, waxaanay mudaharaad salmi ah la hortageen xarunta dawladda hoose ee degmada Gabiley.

 

Ardaydan oo ka cabanaysay fasalo ay galaan oo ay sheegeen inay waayeen iyo kuraasi iyo miisas la’aan, waxa mudaharaadkooda oo salmi ahaa ka hortagay ciidamada Booliska oo xidhay tobaneeye arday balse markii dambe soo daayay.

Ardaydani inkastoo aanay wax khasaare ah oo muuqda gaadhsiin xarumaha dawladda, haddana mudaharaadkooda waxa si weyn looga dareemay guud ahaan degmada Gabiley, waxaana jidadka tubnaa ciidamo badan oo Boolis ah.

Geesta kale, masuuliyiinta degmada Gabiley ayaa ka hawlgalay sidii ay u dejin lahaayeen mudaharaadka ardayda, waxaanay sheegeen inay wax ka qaban doonaan cabashada ardayda, iyagoo sheegay in gacanta lagu hayo samaynta miisaska iyo kuraasida ay ardaydu ka cabanayaan.