Madaxweynaha Oo Maanta La Hadlaya Labada Gole Baarlamaan Iyo Qodobada Ay Bulshadu Ka Sugayso Inuu Uga Jawaabo

0
757

 

Picture4Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu maanta khudbad u jeediyo labada gole Baarlamaan ee Somaliland oo yeelan doona fadhi wada jir ah.

 

Khudbadda madaxweynaha oo ah khudbad sannadeedka distooriga ah, waxa ay ku soo beegmaysaa iyadoo ay dawladda Ingiriisku markii u horaysay muwaadiniinteeda uga digtay inay safar ku tagaan Somaliland, kuwa joogana ugu baaqday inay ka baxaan. Waxa kale oo ay ku soo beegmaysaa iyadoo ay dawladda Maraykanku markii u horaysay muddo 20 sannadood ah aqoonsatay dawladda Somaliya. Waxaana la filayaa inuu Madaxweynuhu arrimahan kaga hadlo khudbadiisa iyadoo ay shacabku ka sugayaan inuu bixiyo jawaabo faahfaahsan. Shirka uu Ingiriisku qabanayo bisha May ayaa isna ah mawduuc laga sugayo inuu mawqifkiisa cadeeyo.

Waxyaabaha kale ee la filayo inuu Madaxweynuhu ka hadlao waxa ka mid ah xanafta ay doorashadii deegaanadu kaga tagtay shacabka Somaliland dhexdiisa, iyadoo noqotay doorashadii u horaysay ee sababtay dhimasho iyo dhaawac, marka loo eego afartii doorasho ee ka horeeyay.

Geesta kale ka sokow qodobadan ay bulshadu indhaha ku hayso, waxa kale oo uu Madaxweynuhu khudbadiisa ku soo bandhigi doono wax qabadka xukuumadiisa ee sannadkan dhammaaday iyo qorshayaashiisa sannadkan curtay.