Dadweynaha Berbera Oo Dibad Bax Kaga Jawaabay Digniintii Amni Ee Dawlada Ingiriiska

0
508

 

nereaBerbera(Geeska)-Banaan-bax balaadhan oo lagaga soo horjeeday go’aankii Ingiriisku uu Muwaadiniintiisa ugu baaqay inay Somaliland ka baxaan sababo la xidhiidha amniga darteed iyo cabsi laga qabo weeraro argagixiso.

 

Boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaaladda Berbera, ayaa shalay  dariiqyadda iyo waddooyinka Magaaladda Berbera ku maray socod, waxaanay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay ku taageerayeen qaranimadda Somaliland iyo amnigeedaba. Waxaanay dhaliilayeen go’aanka ay soo saartay dawladda Ingiriiska.

Banaan-baxeyaashu waxay socodkaas ka dib ay iskugu yimaadeen fagaaraha 26-ka June ee magaaladda Berbera. Halkaasi oo ay kula hadleen Badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Maayarka Berbera, kuwaasi oo bulshadda uga mahad celiyay dareenkooda wadaniyadeed iyo shucuurtooda ay u bandhigeen caalamka.

Badhasaabka iyo Maayarka Berbera waxay difaaceen ammaanka Somaliland oo ay xuseen inuu yahay mid sugan isla markaana aanay ka jirin wax cabsi nabad-gelyo ah. Waxaanay sheegeen in Somaliland ay tahay qaran madax banaan oo wax weyn qabsaday 21-kii sanadood ee la soo dhaafay.

Guud ahaan shacbiga ku dhaqan goboladda kala duwan ee Somaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay goob kasta oo ka mid ah bar-kulanka bulshadda ku qaadaa dhigayay go’aanka dawladda Ingiriiska.