Xasan Ciise Oo Ku Taliyay In La Isugu Yimaado Tallo Qaran Oo Lagaga Arinsado Xaalada Dalku Marayo

0
848

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, ayaa ku baaqay in la isugu yimaado tallo qaran oo lagaga tashado xaaladda uu wadanku marayo.

 

Md. Xasan Ciise Jaamac, oo shalay warsaxaafadeed ka soo saaray magaalada Hargeysa, wuxuu taageeray tallo ay hore u soo jeediyeen Mujaahid Ibrahim Cabdillaahi Xuseen (Dhegaweyne) iyo guddoomiyaha UCID Md. Faysal Cali Waraabe, oo uu nuxurkeedu ahaa in laga tashado xaaladda siyaasadeed ee uu dalku galay. Warsaxaafadeedka uu Xasan Ciise, soo saaray wuxuu u qornaa sidan: “FAYSAL CALI iyo MUJ IBRAHIM DHAGOWEYNE way ku hagaagsanyihiin marka ay soo jeediyaan in laysugu yimaado talo qaran. Doorashooyinkii ugu danbeeyey ee la boobey waxay dhaliyeen xaalad cakiran oo saamaysay midnimadii umadda iyo nabadgelyadii wadanka oo dhan.marka laga yimaado inihii hore aynu u soo sheegnay eey ka mid ahaayeen Sool iyo Sanaag in badan sidii doorashada la isaga hortaagay inihii soo hadhayna la boobay iyo sida saylac iyo lughaya iyagana loo boobay, iyo sida codadkii Xaqsoor ee la daadiyay ee la gubay loogasoo ururiyey dooxa Hargeysa iyo sida data-dii Axmed dhagax looga saaray kombiyuutarka, waxaad ku dartaa sheekada labada musharax ee geed-deeble iyo ceerigaabo.waa labada musharax ee ka sharaxnaa deegaankooda ee iyaguna isku footeeyey ee haddana natiijadii loogu dhawaaqay ay ahayd inaanay hal cod helin!.

Xaaladan wadanka gudihiisa ee qasan waxa imika ku soo biiray dhibaatada ictitaafka Maraykana ee Somaliya arintaasi waa guuldarro weyn oo ku timi siyaasadii arimaha dibeda ee Somaliland.sababta oo ah micnaheedu waxa weeye Somaliyadii hore ee Somaliland ka mid ahaan jirtay ayuu Maraykanku imika ictiraafay; Maraykanku wuxuu markaas taageerey in dawlada ka dhisantay Xamar ay ka taliso Somaliland.

Dib u dhac aan loo fadhiyin ayay ku tahay siyaasadii arrimaha dibada ee xukuumada Somaliland, .dhibaatadan culus waxa imika kusoo biirtay Ingiriiska oo ku dhawaaqay inay la baxayaan dadkii ka joogay Somaliland.
Soomalidu waxay tidhaahdaa TALADA ADAA KU NOOL EE IYADU KUGUMA NOOLA sidaas awgeed XAQSOOR wuu taageerayaa aragtida ah in loo baahnyahay in inteena laxejeclada ka qabta Somaliland isugu timaado talo-qaran oo aynu ku arinsano xaaladan khatarta ah ee ku timi wadankeenii.