Madaxweynaha Oo Guddi Qaran U Magacaabay Qaban Qaabada Aaska Marxuum Maxamed X. Gaariye

0
606

 

427x0_326057662499f0e90040810.93406128Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa guddi qaran u magacaabay qaban qaabada aaska Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo dalka Norway ku geeriyoday.

 

Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul, ayaa qoraal uu shalay soo saaray wuxuu ku in guddigaas oo ka kooban 10 xubnood oo isugu jira wasiiro, xildhibaano, maayarka caasimadda iyo dad magac ku leh Somaliland uu guddoomiye u noqon doono wasiirka warfaafinta Md. Abiib Diiriye Nuur, waxaana xubno ka ah Wasiirada waxbarashada, duulista iyo hawada, kalluumaysiga, gaashaandhiga, maayarka caasimadda Hargeysa, Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), ku simaha guddoomiyaha jaamacadda Hargeysa Eng. Maxamed Xaashi Cilmi iyo Abwaan Xasan Ganey.

Waxa iyaguna Geeska Afrika la soo xidhiidhay oo marxuum Gaariye tacsi u diray asxaabta kala ah

Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal), Aadan Baxnaan, Xasan Cali Abokor, Maxamed Cali Ismaaciil, Cabdixakiim Maxamuud, Maxamed Cali Abokor