10 Shay Oo Caan Ah Oo 5 Sano Kadib Isticmaalkoodu Dunida Ka Joogsan Doono: Diyaariye- Kamaal Axmed Cali

0
654

 

9Hargeysa (Googooska Geeska)- Fax kii ma heshay? Waa su’aal aanad dib u maqli doonin marka la gaadho sannadka 2017-ka, sababtuna waa qalabka casriga ah iyo is beddelka tiknoolajiyadda ee hadba shay cusub la ikhtiraacayo oo qalabkan dunida ka xaadhi doono. Fax ka oo keliya ma’aha ee liiska qalabka dunida sagootiyi doonaa waxa uu gaadhayaa illaa toban shay oo la saadaalinayo in aan dib looga isticmaali doonin marka la gaadho waqtigaas. Waxaa ka mid ah, Rikoodhada iyo qalabka kale ee cajaladaha rikoodhka lagu duubo, talefannada xafiiska iyo guriga la dhigo (Landline), xafiisyada maamulka ee qalabka iyo faylashada badani yaallaan, kombiyuutarka miiska (Desktop), Fax ka waraaqaha la isugu diro iyo kuwo kale.

 

Daraasad ay samaysay shirkadda Linkedlnoo ah degelka internet ka ee ugu weyn ee ay leeyihiin xirfadlayaasha ugu badan dunida oo dhan, ayaa daraasaddan oo ay ka qayb qaateen 7 kun oo mihnadleh waxa ay ku ogaatay in mishiinka Fax ku uu yahay shayga ugu horreeya ee saaxadda ka bixi doona, waxaana ku xigi doona rikoodhada iyo mishiinnada yaryar ee cajadalada codka iyo Maqal & Muuqaalka ah ee hadda la isticmaalo, qalabkan oo imikaba la dareemayo in isticmaalkoodu uu si joogto ah isu soo dhimayo. Daraasaddu waxa ay saadaalinaysaa in Kobiyuutarka gacanta lagu qaato iyo kombiyuutarrada Tabletka loo yaqaanno ee muraayadda yar ee keliya ahi ay beddeli doonaan kombiyuutarrada miiska ee hadda xafiisyada aad looga isticmaalo.

Daraasaddi waxa ay saadaalinaysaa in xaafisyada aan laga isticmaali doonin waraaqo ama uu aad u yaraan doono isticmaalkoodu, baddalkoodana la isticmaali doono koombiyuutarro iyo barnaamijyo kayd oo faylasha waraaqaha ah beddela, waxaanu xafiisku gebi ahaantiiba noqon doonaa mid ku jira kombiyuutarka, waxaa iyaguna isticmaalkoodu joogsan doonaa waraaqaha iyo buugaagta xusuus qorka oo ay beddeli doonaan barnaamijyada kombiyuutarku. Waxa kale oo la filayaa in aan cidi isticmaali doonin labbiska loo yaqaanno rasmiga oo ah Suudhka oo taygiisa qoortana wata, waxaa la filayaa in masuuliyiinta iyo dadka lacagta lihi ay ka caajisi doonaan labbiskan oo uu ugu horreeyo tayga qoorta la gashado oo haddaba isticmaalkiisu si muuqata u soo yaraanayo, waxaa laga maarmi doonaa qaabka hadda xafiisyada loo qaybsado, waxa aanu qof kastaa si toos ah ugu tiirsanaan doonaa kombiyuutarkiisa gacanta oo meel kasta oo uu fadhiistaba ka maamuli karo xafiiska, kana dhamaystiri karo shaqooyinkiisa, qalabka la filayo in aan hadda kadib la isticmaali doonin waxa kale oo ka mid ah cajaladda USB Flash disk loo yaqaanno ee kombiyuutarka wax lagaga qaato ama lagu kaydsado, maadaama oo internet ku uu aad u sahlanaan doono qofkuna mar kasta uu sidan doono kombiyuutarkiisa gacanta ama tablet iyo talefannada gacanta oo qudhoodu sida kombiyuutarka u shaqaynaya, sidaa awgeed wax kasta oo qofku uu kombiyuutarkiisa ku rito uu si sahlan uga daalacan karo qalabka kale ee uu sito xataa haddii aanu ahayn kombiyuutarkii uu marka hore ku qoray.