Ayman Dawaahiri Oo Ka Sheekeyey In Usama Bin Laden Uu Isha Midig La’aa Iyo Xogo Kale

0
4605

 

Picture2Hargeysa (Geeska)- Hoggaamiyaha shabakadda Al-Qaacida Ayman A-Dawaahiri ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday xog dad badan dareenkooda soo jeedisay oo aan hore looga haynin hoggaamiyihii la dilay ee ururka Al-Qaacida Usaama Bin Laden.

 

Dawaahiri oo ka hadlayey cajalad maqal iyo muuqaal ah oo la baahiyey khamiistii toddobaadkii dhowaa, waxa uu ka sheekayey taariikhda iyo qisaska hoggaamiyihiisii aasaasay ururka Al-Qaacida ee uu xilka ka dhaxlay. Xogaha yaabka leh ee uu soo bandhigayna waxaa ka mid ahaa in Usaama aanu waxba ka arki jirin isha midig oo uu sheegay in uu ku beelay shil baabuur oo uu galay markii uu dhalinyarada ahaa.

Cajaladdan oo ah tii saddexaad ee taxane uu ugu magac daray, Ayaamihii aan Imaamka la qaatay, waqtigeeduna soconayo illaa 2 saac, Dawaahiri kagama uu warramin tafaasiil intaa ka badan oo la xidhiidha dhaawaca uu sheegay in uu Usaama Bin Laden dhalinyaronimadiisii ku il beelay, waxa aanu sheegmadiisan afeef uga dhigtay in uu u sheegayo, Cidda aan ogeyn.

Sida uu faafiyey Talefishanka Alcarabiya, Dawaahiri waxa kale oo uu cajaladdan ku sheegay in Bin Laden dhalinyaronimadiisii uu xubin ka ahaa ururka Akhwaan Al-Muslimiinta faraciisa boqorotooyada Sucuudiga, laakiin markii dambe laga eryey kadib markii uu ku adkaystay in laga qayb galo jihaadkii ka dhanka ahaa midawga soofiyati ee socday siddeetamaadkii” 

Dawaahiri oo weli sii wada xogaha aan hadda ka hor la maqal ee ku aaddan Usaama Bin Laden, waxa uu intaas ku sii daray in xilligaa jihaadkii Afghanistan socday uu mar Usaama u safray dalka Pakistan si uu lacago taburuc ahaa u gaadhsiiyo Jihaadiyiintii joogay magaalada Peshawar ee dalka Pakistan, laakiin markii uu tagay inta uu iska dhego mariyey amarradii Faracii Akhwaan Muslimiinta ee uu ka tirsanaa inuu si toos ah ugu biiray wax-iska-caabbintii hubaysnayd ee ka socotay Afghanistan, arrintaasina ay sabab u noqotay in si rasmi ah looga eryo ururka.

Waa markii ugu horreysay ee sidaa badheedhka ah xubin muhiim ah oo Alqaacido ahi ay uga hadasho taariikhda hoggaamiyihii hore ee AlQaacida, dad badan ayaana si gaar ah u xiiseeyey warkan cusub ee Dawaahiri oo ay rafiiq isu dhow ahaayeen Bin Lade, laakiin illaa hadda aad uma cadda sababta uu Dawaahiri uga sheekaynayo xogahan shakhsiga ah oo aan ka ahayn in uu doonayo in uu shabakadda Alqaacida ee dunida ku filqan u muujiyo sida ay isugu dhowaayeen hoggaamiyihii hore.