Aqalka Cusub Ee Golaha Wakiilada Oo Shalay Si Rasmi Ah Xadhiga Looga Jaray

0
772

 

wakiladHargeysa (Geeska)- Madaxweynaha Somaliland ayaa si rasmiya xadhiga uga jaray dhisme cusub oo dhawaan loo sameeyey golaha wakiilada ee Somaliland, kaas oo loo dhisay qaab casiriya, isla markaana loo dhameeyey qalabka cod baahiyayaasha oo mudane kasta loogu talay hal cod baahiye.

 

Dhismaha cusub ee uu madaxweynaha Somaliland xadhiga  ka jaray waxaa mashruuca dhismihiisa qaybta ugu badan qaatay koomishanka Yurub ee loo yaqaano EU, taas oo fulinta mashruucaas siiyey hay’adda AWEPA oo si weyn la shaqaysay guddiyada baarlamaanka Somaliland.

Waxaa madaxweyaha kala soo qayb galay furitaanka xarunta golaha wakiilada shir gudoonka golaha guurtida, mudanayaasha labada gole, masuuliyiinta saddexda xisbi qaran, xubno ka tirsan golaha wasiirada, qusulka guud ee dawlada Itoobiya, wakiilka EU-da, wakiilka hay’adda AWEPA, wakiilka UNDP, wakiilka IRI iyo masuuliyii kale.

Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha golaha wakiilada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, waxaanu mahad balaadhan u soo jeediyey koomishanka Yurub iyo hay’adda AWEPA, shirkadaha kala duwan ee dhismaha aqalka wakiilada Somaliland qaybtooda ka qaatay iyo gudoomiyaha komishanka oo isaga la taliye ka ahaa dhismaha aqalka baarlamaanka Eng Ciise Yuusuf Xamari, waxaanu sheegay gudoomiye ciro in dhismaha aqalka wakiilada ay ku baxday lacag dhan boqol iyo toban kun oo doolar, taas oo ay xukumada cusubi bixisay sodon kun oo doolar una dhiganta boqolkiiba toban, halka inta kale ay bixiyeen koomishanka Yurub. Gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa intaas kadib madaxweynaha iyo mudanayaasha wakiilada ku war galiyey inuu si rasmiya u furmi doono kal fadhigii 15-aad ee golaha wakiilada.

Gudoomiyaha golaha wakiilada ayaa madaxweynaha u soo bandhigay baarlamaanada Somaliland xidhiidhka la leh, waxaanu yidhi “Baarlamaanada aduunka, waxaana ka mida baarlamaanka Ingiriiska, baarlamaanka itoobiya, barlamaanka Kenya, baarlamaanka Jabuuti, baarlamaanka Ugaandha, baarlamaanka Ruwaandha, baarlamaanka Botuswaana, baarlamaanka Yurub, baarlamaanka Jarmalka, baarlamaanka Iswiidhan, baarlamaanka Fiinland, baarlamaanka Noorway, baarlamaanka Aduunka iyo baarlamanka Faransiiska. Baarlamaanadaas oo aanu safaro shaqo ku tagnaywaa noo qorshaysan in aanu ku casuuno Somaliland, si aanu uga si wada hadalno wanaajinta xidhiidhka  iyo inay taageeraan qadiyada Somaliland”. 

 

Intaas kadib waxaa labada gole warbixin siiyey madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaanu ugu mahad naqay kaalinta ay ka ciyaareen dhismahah qaranka, sida dhismaha golaha wakiilada iyo dhismaha golaha guurtida oo haatan uu socdo dhismihiisu. waxaanu mahad naq u soo jeediyey hay’adda AWEPA iyo cidi gacan ka gaystay dhismaha aqalka baarlamaanka. Waxaanu golaha u soo qadimay go’aankii furista ururada siyaasiga ah oo kaabis iyo wax ka badal lagu sameeyey, waxaanu yidhi “Waxa aan jeclahay mar hadii aan maanta (Shalay) halkan ku jiro in aan idiin sheego go’aankii furista ururada iyo wax ka badalka iyo kaabis lagu sameeyo aan idiin soo qadimay. Waad ogaydeen intii mudo ahayd waxaa ina hor yiilay oo aan guddi u saaray oo ay dood badani ka taagnayd in la furo axsaabta iyo in aan la furin. Guddigii loo saaray waxay soo warsatay shacabka, qiimayn fara badna iyo dadaal badan ayey galeen, waxaanay soojeediyeen in shacbigu doonayo in Asxaabtii la furro sidii dhaqanka ahayd go’aankaas axsaabta iyo wax ka bedelka lagu samaynayo xeerarka nidaamka Asxaabta waanan idiin soo gudbiyey Inshaalaah waxaan rajaynaa inaydun (Wakiilada) waajibkiina ka gudan doontaan.”         

 

Sidoo kale madaxweynaha Somaliland ayaa golaha wakiilada hortooda ka shaaciyey inuu xilkii ka qaaday gudoomiyaha maxkamada sare ee qaranka, isla markaana uu isku shaan dhayn ku sameeyey xubnaha sare ee garsoorka dalka, waxaanu yidhi “Iyada oo cabashooyin badani ka taagnaayeen arrintaa garsoorka, wax ka badal ayaanu ku samaynay garsoorayaasha iyo gudoomiyaha maxkamada sare. Markaa iyadana waxaanu idinka codsanaynaa in aad  ansixisaan isku badalkaas sida waajibka iyo sharcigu yahay”

 

Ugu danbayntii uu madaxweynaha Somaliland shahaadooyin gudoonsiiyey masuuliyiin kala duwan oo qayb ka qaatay dhismaha aqalka wakiilada Somaliland, waxaana ugu horeeyey hay’adda AWEPA, shirkada dhismaha ee Daryeel Contraction, Abu Site Furniture iyo Eng Ciise Maxamed Yuusuf Xamari oo la taliye (Consultant) ka ahaa dhisaha aqalka wakiilada.

 

Wixi intaas ka dambeeyey madaxweynaha iyo ilaaladiisa ayaa u lugeeyey aqalka madaxtooyada Somaliland oo ay markii hore ka soo galbiyeen shirgudoonka golaha wakiiladu, waxaana aad loo sugaayey amaankiisa.