Madaxweynaha Kenya Oo Baarlamaankiisa Ku Celiyay Xeerkii Ay Saxaafadu Ka Qaylisay

0
599

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha wadanka Kenya Uhurru Kenyatta ayaa Baarlamaanka dib ugu celiyay xeer ay saxaafadda madaxabanaan u sameeyeen, kaas oo ay saxaafadda madaxabanaan ee Kenya ku tilmaantay dabar shaqadooda lagaga horistaagayo.

Madaxweyne Kenyatta, ayaa sheegay inuu go’aankaas qaatay ka dib markii uu dhinacyo badan la tashi la sameeyay, waxaanu dib u celinta xeerkan ay Baarlamaanku soo ansixiyeen u adeegsaday awoodiisa distooriga ah. Madaxweyne Uhurru, wuxuu sheegay in xeerkaasi ka soo horjeedo distoorka Kenya iyo madaxbanaanida saxaafada oo uu distoorku balan qaaday.

Saxaafadda Kenya oo muddooyinkii u dambaysay Madaxweynaha wada hadal kula jirtay ayaa si weyn u soo dhawaysay go’aanka uu Madaxweyne Kenyatta qaatay. Madaxweyne-xigeenka Kenya William Rutto ayaa shir ay bishan madaxda saxaafadda Afrika Addis Ababa ku yeesheen wuxuu ka balan qaaday inaanu Madaxweynuhu xeerkaas saxeexi doonaan, waana kaas Madaxweyne Uhurru Kenyatta ka dhabeeyay.

Warbaahinta Kenya ayaa dadka arrimaha siyaasadda ka faalooda ee shalay maqaalada ku daabacay, waxay Madaxweyne Uhurru Kenyata ku tilmaameen siyaasi isku kalsoon oo aan wax cuqdad ah ka qabin saxaafadda, sida ay madaxda kale ee Afrika caanka ku yihiin, marka la eego go’aanka uu kaga horyimid xeerka ay Baarlamaanka dalkiisa oo uu aqblabiyada haystaa ay sameeyeen.