“Dagaalkii 1977-kii Waxa La Ii Qabtay Maxamed Cali Samater Ahaan”

0
1237

Picture4Hargeysa (Geeska) – Cali Ibraahim Xaaji Muuse (Cali Baabuur) oo ka mid ah muwaadiniinta reer Somaliland ee ka qayb-galay dagaalkii 1977-kii dhex maray dawladihii Itoobiya iyo Soomaaliya ee ay wakhtigaa kala xukumayeen Maxamed Siyaad Barre iyo Mingiste Hailemariam, ayaa ka sheekeeyay duruufihii adkaa ee ay xiligaa soo mareen 21 ka mid ahaa askartii Gobollada Waqooyi ee Somaliland kaga jiray ciidamaddii Soomaaliya.

Cali Baabuur oo Xafiiska Geeska Afrika nagu soo booqday, ayaa sheegay in isaga lagu qabtay dagaalkii 1977-kii dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya isla-markaana Ciidamada Itoobiya isaga dhaawac ku qabteen iyaga oo u haysta inuu yahay Maxamed Cali Samater (Wasiirkii Gaashaandhiga Soomaaliya) isla-markaana geeyeen cisbitaal ku yaalay Magaalada Herer.

Cali Baabuur oo sharaxaya dagaalka lagu qabtay ayaa yidhi “Waxaan Ahay Cali Ibraahim Xaaji Muuse (Cali Baabuur), waxa la igu qabtay dagaalkii 1977-kii bishii October 16-keedii ayaan dhaawacmay, Ciidamadii Itoobiyana waxay ii qaateen Inaan ahay Cali Samater, waxaana la I dhigay Cisbitaal Herer ku yaalay, markaan muddo ku jiray ayaa waxa Cisbitaalkii la soo dhigay nin aanu saaxiib ahayn oo lugi go’day, ayaa ii waramay oo ii sheegay in Aabahay oo kafan sitaa uu yimid halkii aan ku dhaawacmay, nin anniga badbaadayda u dhintay ayaa kafankii lagu aasay, ninkan ii waramayaana anniga  ayuu I moodayey oo waxbuu ka aasay”

Cali Baabuur, waxa kale oo uu sheegay in markii aabihii ku qancay inuu dhintay isaga oo u haysta inuu Wiilkii aasay uu xaaskiisa u dhisay nin ay wallaalo ahaayeen, taasi oo ku tilmaamay inay ku dhacday in nolosha lagu dhaxlay, taasina ay keentay duruufo adag oo uu u soo maray Soomaaliya, balse muddo dheer ka dib oo Itoobiya Maxaabiis ku bedalatay ay dawladdii Soomaaliya ee xiligaasi ku war-galiyeen inay xaqoodii u doontaan gobollada Waqooyi (Somaliland), taasi oo uu sheegay inay keentay in 21-kii reer Waqooyiga ahaa intii ka soo hadhay ay afar ka mid ahi maanta Hargeysa dhex joogaan, iyaga oo aan maskax ahaan fayoobayn.

Cali Baabuur, waxa uu codsaday in xukuumaddu wax u qabato isaga iyo ragga kale ee uu sheegay inay dhibaato u soo mareen dalka iyo dadka isla-markaana ay xumeeyeen reer Koonfureedku “Markii aanu Waddankii ku soo noqonay waxa lanagu yidhi xuquuqdiinii u doonto Waqooyi, markaa markii ay dawladdu inoo dhalatay halkii aanu ka eegaynay in wax lana taro, maadaama oo aanu nahay dad ciil u soo maray waddanka, ayaa wax lanoo qabto daayo cid noo yeedhaba waynay” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Taasi markay nagu dhacday laba ayay noo noqotay, waddanka niman wax ku leh ma nihine inaanu Xamar iska qabano iyo si lanoo ogaado inaanu hadallo si Madaxwaynuhu u ogaado si aan hadhow lanoo eedaynin, sidaa daraadeed waxaanu Somaliland iyo Madaxwaynaha leenahay raggayaga waddanka u soo halgamaya dalka Abboo ayaanu ka nahay, shaqana kuma hayno, raggiina waa wada waalan yahay, Madaxwaynaha waxaanu doonaynaa inaanu arragno oo aanu is-wareysano, waayo anniga waxa I soo martay “Cadow ku qabay, Col baqday lagaala hadh, kubka iyo bowdada ka jab, Magacaaga iyo muuqaagaba la waa, nolosha lagugu dhaxal” lixdaa xaalo ninkay soo mareen ee Markii uu Xamar yimidna lagu yidhi xuquuqdaadii Waqooyi u doono ayaan ahay.”