Macnaha Laga Qaadan Karo Qaar Ka Mid Ah Xarakaadka Ay Xubnaha Qofku Sameeyaan Marka Uu Hadlayo

0
451

Hargeysa (Geeska)- Sida aynu marar badan oo horeba ku xusnay qormooyinka barnaamijkan Googooska xarakaadka uu qofku sameeyo marka uu hadlayaa waxa ay qayb muhiim ah ka yihiin macnaynta iyo fahamka hadallada uu afka ka leeyahay. Haddaba qormadan uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah xarakaadkaas iyo macnaha ay bixinayaan si uu u ogaado qofka laga yaabo isaga oo aan is-ogeyn in uu xarakaadkan sameyn lahaa, kadibna qofkii uu la kumayey uu ka qaadan lahaa faham qaldan.

1. Xoqoshada Madaxa: Qofka aad la kulmayso oo qadaadka xoqdaa waxa ay muujinaysaa in uu jaahwareersan yahay ama xaalku ka qasan yahay.

2. Dibin qaniinista: Qofka oo dibinta qaniina waxaa laga qaadanayaa mance ah in uu warwar iyo walaac badani hayo

3. Xoqoshada Qadaadka ama qoorta: Niyad jab, iyo samirkii in aanu qofkani intaa ka badan sii dulqaadan karin.

4. Indhaha oo la yareeyo: Cadho iyo in waxa socda aanu raalli ka ahayn, sida ay u socdaan.

5. Indhaha oo la kala waaxo: In aanu rumaysanayn waxa qofka la hadlayaa u sheegayo.

6. Muraayadda dusheeda oo uu ka eego qofka la hadlaya: Is kibrin ama in aanu rumaysanayn warkuu u sheegayo.

7. Xoqoshada indhaha, dhegaha ama sanka hareerihiisa: Shaki iyo in aanu qofku naftiisa ku kalsoonayn.