Xildhibaan Axmed Gacan Oo Naqdiyay Codkii Uu Madaxweynuhu Siiyay Saylici

0
509

Picture2Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Xildhibaan Axmed Gacan), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, isla markaana ah Guddoomiyaha Guddida Nabadgaliyada ee Golaha Guurtida, ayaa ka hadlay Shirkii Golaha Dhexe ee Kulmiye ee lagu doortay Musharaxnimada Madaxweyne iyo ku Xigeen, waxaanu si gaar ah uga hadlay tartankii dhexmaray Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee dhexmaray Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici iyo Wasiirka Caafimaadka, waxaanu sheegay in aanay Madaxweynaha sharaftiisa ahayn inuu labadooda uu u kala eexdo.

Xildhibaan Axmed Muuse Obsiiye (Xildhibaan Axmed Gacan), oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyey ayaa sidoo kale tallooyin u soo jeediyey Xisbiga Kulmiye, waxaanu sheegay inuu yahay XIsbiga Qaran, oo ay Somaliland oo dhami wada leedahay, "Shirkii Golaha dhexe ee Kulmiye sida uu ku dhacay waa la wada arkaayey, Rag badana waa kuwii ka cadhooday, Somaliland oo dhamina waxa ay ku talisay in la heshiiyo, Madaxweynuhu dhex ka ahaado, balse Shirkii waa kii furmay, waa tii Doorashadii la galay, Musharaxa Madaxweyne ee Kulmiye doorashadiisu gacan taag ayuu ku dhammaaday, markii dambe ee Cabdiraxmaan Saylici iyo Saleebaan Xaglatoosiye loo baaqayey ee la kala dooranaayey arintaasi wey is badashay, isbadalkaas waxa aad moodaa inay waxyaabo ay ka soo dhex baxeen, mar haddii uu Madaxweynuhu tanaasulay oo uu yidhi meesha waan ka tagayaa Muuse Biixina keenay, in marka uu khudbadiisa dhamaysto inuu iskaga baxo ayey ahayd, una wanaagsanayd,balse markii ugu horeeysay ee gacanta loo taagay labada Musharaxa ee tartamaayey, waxa uu Madaxweynuhu u taagay Saylici, waana Nin Muwaadin ah Saylici oo ay in badan soo wada shaqaynayeen, Xaglotoosiyana waa wasiirkiisi, Gacantaas uu hor taagay Madaxweynuhu waxyaabo badan ayey sameeynaysay, waayo dad badan ayaa isaga eeganaayey, codkaasna waxa aad moodaysay mid Madaxweynaha halkeedii aanu ka abaarin.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu ydihi “Xaglotoosiye meesha Barriga Buhoodle ama Laascanood Somaliland ninka ugu firfircoona ee shaqaayey ayuu ahaa si Somaliland u dhamaystiranto, Beesha Siillaanyo iyo Beesha Buhoodlena waa tii qordoofadu ka dhex dhacday, dhanka kale Beesha reer Boorama waa hooyadii Somaliland markii ay cago dhigatay halkii laga bilaabay ee laga dhisay Boorama ayey ahayd, Madaxweynuhu waxa uu bixin karaayey xil uga wanaagsan reer Boorama Madaxweyne ku xigeenka, oo waayo haddii uu siiyo Wasiirka Maaliyadda ama Wasiirka Dakhliga wey uga wanaagsan tahay Madaxweyne ku xigeenka inuu Musharaxnimada Madaxweyne ku xigeen uu siiyo Buhoodle ama uu u dardar  Madeaxweynuhu Xaglotoosiye wey ila wacnayd, Madaxweynuhu midaas uu garan waayey".

Xildhibaan Axmed Gacan ayaa mar uu ka hadlaayey in Somaliland lal wada leeyahay ayaa  yidhi "Afweeyne waa kii ina xukumi jiray, waa lala dagaalamay, haddana Somaliland waa la wada leeyahay, waxa wada leh guud ahaan Beelaha dega, Xisbiga Kulmiyena waa Xisbi Qaran, oo ay wanaagsan tahay in dadka oo dhami iyo meelaha Somaliland oo dhami ka wada muuqdaan, balse in Guddoomiyihii iyo Musharaxnimadii uu Muuse Biixi noqday, Maxamed Kaahina uu Guddoomiye ku xigeen uu noqday,dadkii kale maxa looga tagay, in Xisbiga kulmiye laga cararo, oo laga dhigo Jeeg ay mar walba Galbeedka Hargeysa iyo Barriga Burco awooda iyo maamulka yeeshaan Beelaha kalena laga tago, ma wacna, haddii kale waxa hadhaw dhici doonta in Madaxtooyadana ay jeegantaasi gasho, oo isgaashan buuraysi cid gaari ahi ka taliso Madaxtooyada ay hadhaw dhacdo, maxa yeelay haddii uu sidaas hadda uu yahay Xisbiga Kulmiye ku sii socdo in sidaas hadda looga cararay, in looga wada carari doono,lagana bixi doono, ayaa dhici doonta ee in wax laga badalo oo cadaalada iyo sinaanta la ilaaliyo ayaa wanaagsan.

Doorashadii Madaxtooyada ee uu Madaxweynuhu kaga guulaystay Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin sidii uu Doorashada ku helay  iyo sida uu ku guulaystay weynu arkaynay iyo sida ay qabyaaladu ahayd, markaas in qabyaalada meel la iska dhigo oo qaranimada iyo somalilandnimada la ilaaliyo ayaa haboon, in Xisbiga Kulmiye iyo Xisbiyada kaleba laga wada dhex muuqdo weeye".