“Qayb Kasta Oo Udub Ka Mida Ah Oo Doonaysa Inay Meeshooda Bedelato Cidi Nagama Xigto”

0
3410

Picture8Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo cid kasta oo ka tirsan ururada siyaasadda iyo xisbiyadii hore oo ku biirta xisbigooda KULMIYE.

Md. Biixi, oo shalay u waramay weriye Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan telefishanka HCTV, ayaa wuxuu sheegay inay jiraan wada hadalo u socdo dhinacyo badan oo aanu magacaabin, waxase uu sheegay inay soo dhawanayaan cid kasta oo ka tirsan xisbiga UDUB.  “Cid kasta oo nagu soo biiraysa aad iyo aad baanu u soo dhawaynaynaa, waxaan u joognaa xisbi qaran, waxaan ku dadaalaynaa in bulshada inteeda badan aan halkan isugu keeno, haddii aan heli karaynona waxaan rabnaa inaa bulshada halkan wada keeno, hawashayaduna waxa weeye inaan dadka ku qancino wax qabadka, siyaasada iyo dhaqankaba inay nagala qayb galaan oo ay soo biiraan, markaas cid walba oo arintaas naga-garawsata waanu u mahadnaqaynaa oo waan soo dhawaynaynaa. “ ayuu yidhi Muuse Biixi, waxaanu intaas raaciyay “Cid walba waxaan leenahay wada hadal oo danaynaysa siyaasada Kulmiye ama ku qancaysa, xataa qaar aan noo soo jeedin baanu dhabarka ka garaacnaa oo aan nidhaahnaa waanagan oo Kulmiyaanu nahay, markaas dad badan oo bulshada qaybaheeda kamid ah ayaa uu wada hadal noo socdaa hadday ururo yihiin iyo hadday xisbiyo yahiinba, markaas wada hadaladaas waxaan filayaa dhawaan qaar badan inaad warbaahinta ka maqli doontaan, xisbiyadii horena ururada cusub waanu iska xisgnaa, sababta aan isaga xignaana waxa weeye waxay sidaan codkii qaranka, dadka maamulaana waa waayo arag, waa dad aan in badan soo wada shaqaynay,  waa dad aan dood badan wada yeelanay, waa dad aan aad isu afgarnayno oo aan isla soo bislaanay, ururada cusubina imika ayay iyagu layli yihiin.”

Isagoo si gaar ah uga hadlaya UDUB, wuxuu yidhi “Qayb kasta oo Udub kamid ah oo doonaysa inay meeshooda bedelato  cidi nagama xigto waanan ugu  dheeraynaynaa.”