Labada Gole Oo Ansixiyay Xil Ka Qaadista Guddomiyihii Maxkamdda Sare Ee Dalka

0
715

 

oomaneHargaysa(Geeska) Labada gole ee Wakiilada iyo guurtida ayaa  shalay wada jir u ansixiyay xil ka qaadis uu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ku sameeyay guddoomiyihii maxkamadda sare Md. Maxamed Xirsi Ismaaciil (Oomane).

Fadhi wada jir ah oo ay labada gole shalay isugu yimaadeen ayaa waxa  ayaa ka soo xaadiray 130 xildhibaan.

Ugu horaynba gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo fadhiga shir gudoominayay ayaa waxa uu soo jeediyay in marka hore laga hor akhriyo labada gole codsiga uu madaxwayne Axmed Siilanyo ku cod-saday in labada gole ay isu yimaadaan  si ay go’aan uga gaadhaan xil ka qaadista guddoomiyaha maxkamadda sare.

In xilka laga qaado guddoomiyaha waxa ogolaaday 67 xidhibaan, waxaana diiday 52 xildhibaan, waxaana ka aamusay 10 xidhibaan, gudoomiyaha golahu muu coday. Sidaasi ayaanay ku meel martay xilka qaadistii uu soo jeediyay madaxwayne Axmed Siilanyo in lagu sameeyo gudoomiyaha maxkamada sare.

Sida muuqata dhawr iyo toban cod ayuu Madaxweyne Siilaanyo ku guulaystay in loo ansixiyo xil ka qaadista guddoomiyaha maxkamadda sare, waxaana soo baxayay warar sheegayay inuu labadii habeen ee u dambeeyay socday dhaqdhaqaaq lagu doonayay in lagu diido xil ka qaadista Madaxweynaha, laakiin shalay ayay si rasmi ah u soo afjarantay.