Maayar Jiciir Oo Hantidhawrka Guud Ku Canaantay Xadhiga Masuul Ka Tirsan D/Hoose Iyo Go’aanka U Meel Yaal Haddii Isna Musuq Lagu Helo

0
4673

 

 

jiriicHargeysa(Geeska)-Maayarka caasimadda Hargeysa Md. Xuseen Maxamuud Jiciir, ayaa khalad iyo deg deg ku tilmaamay talaabada uu hantidhawrka guud ee qaranku xabsiga ugu taxaabay madaxii mashaariicda waddooyinka ee dawladda hoose ee Hargeysa Mr. Kayse Xasan.

Maayar Jiciir, wuxuu sheegay inuu ka soo horjeedo in masuulka la iska xidho, isagoo sheegay inay arrintan hore uga wada hadleen hantidhawrka guud ee qaranka. Maayar Jiciir, waxa kale oo uu sheegay in haddii isaga lagu helo wax musuq ah uu diyaar u yahay inuu is casilo. Waraysi uu xalay Wargeyska Geeska Afrikala yeeshay Maayar Jiciir, ayaa u dhacay sidan:

Maayar waxaan ku waydiin lahaa sida aad u aragto masuulka dawlada hoose ka tirsan ee uu xidhay tanti dhawrka qaranku?

Waxaan u aragnaa khalad, waana lagu dag dagay oo su’aalo lama waydiin, waxa lagu haystaana wax cad maaha. Markaa anagu (Dawlada hoose) waanu ka soo hor jeednaa in qofka la iska xidho. Qolada hanti dhawrka waanu ka wada hadalnay. Foojar yar ayaad ka hadlaysaane oo dhawr kun Dollar  ah’e ee wuxuu hayaa lacag fara badan oo ilaa shan wado lacageed ah, taas oo uu hadda gacanta ku hayey. Markaa waxaad ku haysaan cadeeya, anaga ayaan ogalayne na tusa wixii uu ku khaldan yahay iyo waxa ay tahay. Laakin dag dag uun ku xidha idinka oo wax yar eegaya haddana wixii ka waynaa oo hawlihi qaranka ah ha eegina, waxaan u aragnaa talaabo lagu dag dagay.

Maayar haddiiba aad wada hadasheen qolada hanti dhawrka. Maxaad isla soo qaadeen oo aad hadda isla soo meel dhigteen? Balse masuulka shaqadiisu sida ay ahayd maxaad nooga sheegi kartaa, maadama oo aad wada shaqayn dheer lahaydeen?

Waxaanu isla af garanay inuu dhakhso u soo cadeeyo waxan ay ku xidheen ee ay ku haystaan ee ay leeyihiin wuu khaldan yahay. Ninkaasi wuxuu ahaa ninka dawlada hoose ugu shaqada badan. Waadigaa arkay wadooyinka uu magaalada ka samayn jiray. Waxaanu ahaa nin aad iyo aad u masuul ah. Wada Km-ka ah inta lacagta badan lagu sameeyo ninkaasu kartidiisa iyo awoodiisa wuxuu ku samayn jiray wax yar. Isaga oo aan waliba qaadan wax heshiis ah, waxaana loo diyaarin jiray tirada alaabta loo baahan yahay maalintaas.

Maayar mar hore oo aanu wax kaa waydiinay xidhiidhka idinka dhaxeeya idinka (Dawlada hoose) iyo hanti dhawrka. Waxaad noo sheegtay inaad isku fiican tihiin, hadda maxaa is badalay ayaa la odhan karaa?

Hanti dhawrku inuu wax baadho oo uu toosiyo weeyaan. Laakin hanti dhawrku inuu dadka handado oo kolba uu xidh xidho maaha. Hanti dhawrka aduunka ee aynu naqaana waxa weeye in uu wax toosiyo oo uu hagaajiyo halkii uu khaladku ka yimi, sidee khaladka looga hortagi karaa? Sidaas daraadeed waa inuu wax saxo oo waliba uu hagaajiyo.

 Haddii maayar adiga baadhitaan lagugu bilaabo oo jidkaa hanti dhawrka laguu soo maro xilka aad hayso ma iska casilaysaa mise waad ku adkaysanaysaa?

Haa. Taasi waa ina daan-wayne. Waayo aniga wax la iigu iman karaa ma jirto, sababtoo ah lacagna ma qaado ee marka wax la soo diyaariyo waan ogolaadaa oo waxaan idhaahdaa waxay ku haboon tahay halagu qabto. Markaa dabcan. Xataa wataa shaqalihii aanu u doodayno ee aanu leenahay waxooda ha la hubsado.