Yemen iyo Cali Cabdala Saalax:-Diyaariye: Maxamed Xasan Jaamac Q2aad

1
264

 

saalax17jul1978 ayaa cali waxa uu noqday madaxweynaha yamantii waqooyi yamanta waqooyi markay sidaas ahayd yamanta koonfureed lafteedu waxba ma dhaamin  oo inqilaabyada iyo dilalku iyaba waa ka socdeen taasna waxa markahaati u ah in madaxweynayaashii soo maray yamantiii koonfureed oo ahaa 5 madaxweyne sadex ka mid ah la dilay   madaxweynihii afraadna la inqilaabay halka madaxweynihii shanaad (cali saalim al-biid)uu ahaa kii ugu danbeeyey dawladii yamanta koonfureed oo midnimada la saxeexay yamantii waqooyi 1990 halkaana ayka dhalatay dawlada yaman ee maanta aynu naqaano hadaba cali cabdala markii uu xukunka qabtay laftiisa mashaakil badanbaa ka hor yimi  arintii  ugu adkayd ee ka hortimi 100maalmood ee uguhoreeyey xukunkiisa  waxay  ahayd isku day inqilaab oo uu hogaaminayey sarkaal magaciisa lagu sheegay ciise maxamed sayf  xiliga inqilaabkan laysku deyey cali waaa ka maqnaa caasiamda sanca waxana uu kormeerayey saldhigyada ciidamada  ee magaalada Ticiz laakin inqilaabkan waxa fashilayey walaalkiisa xaga hooyo waa janaral cali muxsin al-axmar oo hadeer walaalkis fiintu dhex miranayso wa aduun iyo xaalkiise!!(mar danbe ayaynu ka warami doonaa)

 

hadana mar labaad oo ku beegnayd 1979 ayaa saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida oo uu hogaaminayey maaxamed falaax ay isku dayeen inqilaab ay kaga tuurayaaan cali xukunka kooxdan waxa la sheegay inuu soo abaabulay hogaamiyaha liibiya mucamar al-qadaafioo isaguna hadeer naftiisa u yaaban lakin iyana waa ku guuldaraysteen inay cali xukunka ka tuuraan  markii labaad

xiligas iyo intii ka danbaysay cali cabdale  si adag ayuu gacanta ugu dhigay xukunka qaybtii waqooyi waxana uu udhiibay hogaanak ciidanka iyo hayadaha amaanka iyo sirdoonka walaalihiisa  xaga hooyo iyo saraakiil kale oo ay isku qabiil yihiin  kuwaas oo uu arkayey inay xukunkiisa difaacayaan daacadna u noqonayaan isla markaa waxa uuu gacan ka helay ShCabdala xuseen al-axmar  oo isagu ka mid ahaa madax-dhaqameedka yamanta  ee qadiimka ah isla maraana awood badan ku dhex lahaa siyaada dalka yaman xilalkala duwana kasoo qabtay dawladihii soo maray yamanta

 Dadka siyaasada Yamanta faaleeyaa cali waxay ku sheegaan nin dhagar iyo khiyaamo badan isla markaana saaxiibnimadiisa aan laysku halayn Karin taas waxay u daliishadaan sida  uu ula dhaqmay kooxaha siyaasada ee ka jira dalka yaman  isaga oo dhaqan iyo caado ka dhigtay inuu marba koox isbahaysi la galo  ka dibna markuu dantiisa ku gadho uu isku  rogo taa waxa kasii yaab badan inuu mararka qaar isagu koox sameeyo oo abaabulo si uu koox kale ugu garaaco  taas oo aynu tusaale usoo qaadan karno kooxda xuuthiyiinta Sacda oo uu isagu gacantiisa ku sameeyey si uu uga hortago  ururka islaaxa iyo selelfiyiinta oo taageerayaal badan ku yeeshay gobolka Sacda  iyo manaadiqda ku dhaw laakin sida aynu  la socono kooxda xuuthiyiintu Cali waa ka saayid caleeyeen  oo isaga ayay ku shaqaysteen halkuu ka rabey inuu ku shaqaysto aakhirkiina dagaal khadhaadh ayaa ka dhex qarxay  kaas oo aynu ka warami doono hadii ilaahay idmo.

Midnimada Waqooyi iyo Koonfur (1990)

Marka runta la sheego Cali intii uu xukunka hayey waxa u qabsoomay dalka yaman wax yaalo badan oo ay ugu muhiimsantahay midnimada labada qaybood ee dalka Yaman taas oo hirgashay 22may 1990 waxa midnimada dhex martay labada qaybood ee dalka yaman u dhacday si deg deg iyo xamaasadi ka muuqato oo aan aad looga fiirsan taas oo ka muuqata sida degdega ahayd ee  qolyihii reer koonfureedku markiiba isu ciil kaan biyeen ka dib  markii ay ogaadeen in qolyihii reer waqooyiga  ee ay la midoobeen  waxba uga ogalayn maamulka dalka iyo dheefsashada khayraadkiisa iyagoo nafla caarigii isku deyey inay soo ceshadaan madaxbanaanidoodii(1994) xiligaas na uu dhacay dagaal khadhaadh oo dhex maray ciidamada dawlada Yaman iyo taageerayaashii madaxweynahii koonfureed ee cali saalim dagaalkaasina uu socday in mudo ah aakhirkiina laga awood roonaaday  cali saalim iyo kooxdiisi rabtay inay madaxbanaanida koonfurta soo celiyaan iyadoo   cali saalim al biid markii danbe naftiisa la cararay ilaa hadeerna uu qaxooti ku yahay debada dalka sababaha soo dedejiyey jabkii qabsaday ciidamadii reer konfureedka waxa kaw ka ahaa kala qaybsanaan xun oo ka dhex taagnayd reer koonfureedka laftooda iyadoo cali cabdale  uu gacan ka helay maleeshiyaad reer koonfureed ahaa oo uu hogaaminayay Cadi rabuh Mansuur Haadi oo  uu Cali cabdale ugu abaal guday markuu ku guulaystay dagaalka inuu ka dhigo madaxweyne ku xigaanka dalkaa ilaa maanta

laakin ilaa maantana dad badan oo reer koonfureed ahi waxay ku taamayaan inay mar uun ka go aan waqooyiga

dadka qaar kiis waxay cali u  arkaan inuu isagu hirgeliyey midnimada dalka yaman hadana inuu isagu ku  burburinayo midnimadaas cadaalad daro baahsan iyo eex uu ku saleeyey maamulkiisa darteed taas oo  ka muuqata dhamaan gobolada dalka yaman oo aad ku arkayso masuuliyiin ay isku jifi hoose yihiin madaxweynaha oo  awood badan la siiyey iyadoo dadkii goboladaas u dhashayna laga qadiyey maamulka degaanadooda taas oo sababtay kalsooni daro ba,an oo  dhex martay shacabka iyo dawlada

taa waxa kasiii daran in deegaanada koonfurta Yaman  oo xaga tirada dadka ka yar waqooyiga in dhulkii lagala wareegay in badan oo ka mid ah iyada oo loogu marmarsiiyoonayo inay yihin gooni u goosato iyo midnimo diid

 Taa waxa kasii yaab  badan in dhulka koonfurta yaman loo yaqaano  dhul dawladu leedahay (loo simanyahay oo dawladu ciday doonto siin karto)halka dhulka gobolada waqooyi looga yaqaano inuu yahay dhul qabaa,il leeyahay taas oo macneheedu yahay qabiilna inaan dhulkiisa lagu fara gelin karin hadaan iyaga ogolaansho looga haysan

Dagaalkii sanadii 1994 dhex maray labada qaybood ee dalka yaman(waqooyi&koonfur)waxa iyana qayb weyn ka qaatay wadaadada dalka yaman gaar ahaan islaaxa iyo selefiyiinta  oo  iyagu ku saleeyey  fekreredooda in kooxdii Cali Saalim al-biid uu hogaaminayey ay ahaayeen hantiwadaag la colaytamayey diinta islaamka  isla markaana cabudhin xun ku hayey dacwada   kooxda islaaxa xilagaa waxa hogaaminayey SHC/majiid Al-zandaani halka dhinaca selefiyiintana uu ugu  weynaa SH muqbil bin haadi al-waadici oo isagu  fatwooday in Cali Saalim al-biid yahay gaal diinta kabaxay ayna banaantahay in lala dagaalamo laakin waa aduun iyo xaalkiise wadaadkii C/majiid Al-zandaani oo cali in badan ay saaxiibo ahaayeen hadeer waxa uu ku biiray  qolyaha kasoo horjeeda ee doonaya in Cali kursiga laga tuuro.

 La soco…

Comments are closed.