Shirkii Widhwidh Oo Saaka Furmaya Iyo Madaxdii Kooxda SSC Oo Habaqle Ku Timid Shirkaas

0
923

 

Hargeysa(Geeska)-Waxa la filayaa inuu saaka si rasmi ah magaalada Widhwidh uga furmo shir turxaan bixin ah oo dhex mari doona xukuumadda Somaliland iyo wax garadka iyo aqoonyahanka beesha Dhulbahanate.

Shirkaas oo uu gadhwadeen ka yahay Kayse Cabdi Yuusuf oo ahaa xoghayihii abaabulka ee kooxda nabad diidka ah ee SSC oo isagu qaatay baaqii nabadeed ee Madaxweyne Siilaanyo, waxa ka qayb galaya ergo tiradoodu gaadhayso 200 oo ergay kuwaas oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanadaas, waxa kale oo iyaguna ku sugan wefti ka socda xukuumadda Somaliland oo isugu jira, wasiiro, xildhibaano, la taliyayaal iyo masuliyiin kale.

Masuuliyiinta kala duwan ee kooxda SSC ayaa u muuqda inay si habaqle ah shirkaas hadba saacad u imanayaan. Habeen hore waxa soo gaadhay degmada Widhwidh ergo balaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha khusuusiga ee SSC Cabdirisaaq Xasan Ismaaciil, waxaana ergadaas ka mid ah lix ka tirsan golaha ay SSC ugu yeedho khusuusiga. Xoghayaha maaliyadda ee SSC Cismaan Xaaji Cali ayaa isna ka mid ah masuuliyiinta soo gaadhay widhwidh, taliyihii hore ee ciidamada SSC ee Tukaraq iyo guddoomiyihii SSC ee Buhodle ayaa sidoo kale ku sugan shirka saaka ka furmaya Widhwidh.

Shirkan oo la filayo in lagu lafo guro tabashada beesha Dhulbahanate ee dhinaca Somaliland, waxa si weyn uga qayliyay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Buhodle, waxaana la filayaa in shirkani hordhac u noqdo xal u helidda mushkiladaha ka aloosan gobalada Sool iyo Buhodle.